ZAMZAM Foundation oo gargaar ka qaybisay Koonfurta Somalia, Puntland iyo Somaliland (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

ZAMZAM Foundation oo gargaar ka qaybisay Koonfurta Somalia, Puntland iyo Somaliland (Sawirro)

Hargeysa – Mareeg.com:  Hay’adda samafalka ee ZAMZAM Foundation oo ka howl-gasha Geeska Afrika ayaa ka qayb-qadanaysa gargaarka loo fidiyay Qoxootigii kasoo Cararaya colaadaha ka socda Waddanka Yeman.

Waxay Hay’addu Kaalmooyin gaariisay Qaxootiga Yemeniyiinta ah ee ku sugan, magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho ee Puntland iyo magaalada Hargeysa oo ah xarunta maamulka Somaliland.

Qoxootiga ku kala Sugan Magaalooyinka Boosaaso iyo Hargeysa ayaa 1000-qof oo ka mid ah waxaa la gaarsiiyay Rashin ka kooban Bur, Bariis, Sokor, Saliid iyo Caana Boore.

Sidoo kale, Hay’adda Zamzam Foundation ayaa ka furtay Magaalooyinka Hargeysa iyo Qardho Goobo lagu Nafaqeeyo Carruurta iyo dadka Waayeelka ah ee ay hayso itaal-darrada.

Waxay kaloo Hay’addu u Qaybisay Qoxootiga Yeman ee ku Sugan Hargeysa alaabo ay ka mid yihiin; maacuunta raashinka lagu karsado. Iyadoo sheegtay inay xilliyada soo socda gaarsiin doonto maacuun Qoxootiga ku sugan magaalada Qardho.

Dhanka kale, Hay’adda Zamzam Foundation waxay Gaarsiisay Rashiin ay ugu talo-gashay in Bisha Ramadaan ay ku afuraan 4,000-qoys oo danyar ah, kuwaasoo ku nool Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, hay’addu waxay 1,000 qof oo ka mid ah Carruurta Agoonta ah oo ay Hay’adda Zamzam Gacanta ku hayso u qaybisay dharkii ay ku ciidi lahaayeen, si ay farxadda ula Qaybsadaan Carruurta kale ee Qayrkood ah.

DSC_0166 DSC_0461 DSC_1312 DSC_1322 DSC_1471 DSC_9730 DSC_9976

 
 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!