Yuusuf Indhacadde: Maaha wax la aqbali karo in la kala jaro gobolka Mudug

Read Time:1 Minute, 5 Second

Mareeg.com: Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) ayaa sheegay inaan la aqbali karin in la kala jaro gobolka Mudug, oo qeyb ka mid ahaato Puntland, qeyb kalana ka mid noqota maamulka gobollada dhexe ee dhismihiisa loo fadhiyo degmada Cadaado.

Indhacade oo kamid ah siyasiinta ka soo jeeda Gobolada Mudug iyo Galgaduud, kana mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Koonfurta Soomaaliya, ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Cumar C/rashiid Cali Sharmaake aysan kala gooyn karin Gobolka Mudug.

Generaal Indhacade ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka uu yahay Ilaaliyaha  Dastuurka Qaranka, wuxuuna xusay in ay tahay wax laga xumaado in Madaxweynaha dalka uu Jabiyo qodobo kamid ah dastuurka dalka, sida uu yiri.

“Hadii gobol lakala jarayo waxaa xaq u leh arrintaas Guddiga Xaduudaha Dalka Soomaaliya, kaas oo hada dhismihiisu socdo, ma ahan in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Waasaraha ay dastuurka ku tuntaan” ayuu yiri Indhacadde.

Shirkii Wadatashiga ahaa ee 2-dii bishaan lagu soo afjaray Garowe ayaa qodobadii laga soo saaray waxaa ka mid ahaa in woqooyiga gobolka Mudug uusan ka mid noqon karin maamulka Gobollada Dhexe.

Shirka oo ay ka qeybgaleen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maamullada Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale laga soo saaray qodob ah inaan ergo ka socota dhanka Puntland aysan ka qeybgeli karin shirka Cadaado.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %