Yoweri Museveni: Alshabaab khatar kuma ah Uganda * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Yoweri Museveni: Alshabaab khatar kuma ah Uganda

Mareeg.com: Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay inuusan cabsi ka qabin in Alshabaab weeraro ku qaadaan dalkiisa.

Museveni oo wareysii siiyey wakaalada wararka Reuters ayaa sheegay in shacabka Uganda aysan taageero siineynin Alshabaab, taasina meesha ka saareyso in Alshabaab dhibaato ka geystaan dalkiisa.

“Alshababka ka dagaalama dalka Soomaaliya khatar kuma ahan amaanka dalka Uganda, shacabka dalkan Uganadana taageero kama helaan, sidaasi darteedana uguma cabsi qabno in ay weerao ka getaan dalka” ayuu yiri madaxweyne Yoweri Museveni.

Bishii lasoo dhaafay ciidamada Amaanka Uganda ayaa shaaciyey iney fashilyeen unug ka tirsan Alshabaab, kaasoo doonayey inuu Uganda ka geysto weeraro qaraxyo ah.

Xarakada Alshabaab ayaa sandkii 2010 goob laga daawanayay ciyaaraha Aduunka ka geystay weerar ay ku dhinteen ilaa 70 ruux.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!