Wararka Xoogaga Alshabaab oo weeraray fariisin ay ciidamada dowlada ku lahaayeen deegaanka Sabuun ee degmada Jowhar * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wararka Xoogaga Alshabaab oo weeraray fariisin ay ciidamada dowlada ku lahaayeen deegaanka Sabuun ee degmada Jowhar

Xoogaga ka tirsan Alshabaab ayaa weerar ku qaaday xalay fariisin ay ciidamada dowlada ku lahaayeen deegaanka Sabuun oo dhinaca Waqoyi Bari kaga beegan magaalada Jowhar illaa iyo 15km.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal xoogan uu dhex maray labada dhinac iyadoo rasaasta la is weydaarsanayay laga maqlayay deegaanada ku dhow dhow Sabuun.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday ayna qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba gaarsiiyeen dagaalyahanadii soo weeraray.

Hase yeeshee warbaahinta taageerta ururka Alshabaab ayaa soo qoray in ay xoogaga Alshabaab ay la wareegeen deegaanka Sabuun ayna gacanta ku dhigeen saldhigga ay ciidamada dowlada ku lahaayeen halkaas.

Waa markii ugu horeysay ee ay dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ay soo weeraraan deegaanka Sabuun tan iyo markii lagala wareegay degmooyin ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!