
Read Time:1 Minute, 5 Second
Mareeg.com: Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay magaalada Cadan ee koonfurta dalka Yemen ayaa sheegaya in kooxda Xuuthiyiinta ah iyo xulafadooda ka socota madaxwyenihii hore ee dalkaas, Cali Cabdalla Saalax dib looga riixay qeybo ay khamiistii ka qabsadeen magaalada Cadan.
Dib u gurashada Xuuthiyiinta iyo xulafadooda ayaa timid kadib markii ay la kulmeen duqeyn culus oo kaga timid diyaaradaha xulafada Sacuudigu horkacayo.
Sidoo kale, waxaa sababay in Xuuthiyiintu ka baxaan qasriga madaxtiiyada Cadan iyo deegaano kale, iyadoo taageerayaasha madaxweyne Haadi heleen hub diyaarado cirka uga soo daadiyeen, taasoo keentay iney iska riixaan Xuuthiyiinta.
Afhayaanka Isbaheysiga cirka ka duqeynaya Xuuthiyiinta, Axmed Casiiri ayaa sheegay in shalay subax rasaas iyo qalab kale diyaarado loogu daadiyey taageerayaasha madaxweyne Haadi, taasina keentay iney wax ka badehso xaalka dagaalka oo Xuuthiyiinta dib loo riixay.
Hub fudud, rasaas, qalab isgaarsiin iyo gentaalaha garbaha laga rido ayaa diyaaradaha Isbaheysigu dallaayadu ugu daadiyeen taageerayaasha madaxweyne Haadi.
(Taageerayaasha Haadi oo gaari ku raraya hub diyaaradaha Isbaheysigu ugu soo daadiyeen daafaha Cadan)