Yemen: Soomaali ku dhimatay qarax qabsaday bas ay la socdeen

Mareeg.com: Ilaa 6 Soomaali tahriib ah ayaa dhintay 11 kalana dhaawacyo ayaa gaaray kadib markii uu qarax qabsaday bas ay la socdeen meel ku dhow caasimadda dlka Yemen ee Sanca.

Soomalida dhibaatadu ku dhacday ayaa la socday labo bas, waxaana qaraxu dhacay xilli labada gaari ay is babar socdeen, islamarkaana labada wade oo Yemeniyiin ah ay sheekeysanayeen.

Mid ka mid ah labada bas ayaa qaraxu haleelay, waxaana kan kale gaaray wax aan badneyn oo dhaawacyo u geystay qaar ka mid ah dadkii la socday gaarigaas, sida uu sheegay weriyaha VOA u jooga dalka Yemen.

Soomaaliada dhibkaan qabsaday waxaa la geeyey isbitaal ku yaalla magaalada Sanca, halkaas kuwa dhaawaca ahna lagu dawynayo. Lama garanayo waxa uu ka dhashay qaraxaas.

Dadkan Soomaalida ah ayaa la sheegay iney doonayeen iney u gudbaan dalka Sacuudiga, halkaasoo ay u shaqo tagaan dhalinyaro badan oo Afrikan ah.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245