Yemen oo codsatay ciidan shisheeye oo dhulka uga duula Xuuthiyiinta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Yemen oo codsatay ciidan shisheeye oo dhulka uga duula Xuuthiyiinta

Mareeg.com: Yemen ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay in si dhaqsa ah ay u ansixiso ciidamo shisheeye oo faragelin ku sameeya dalka si loo badbaadiyo dalka.

Daniraha Yemen u fadhiya Qaramada Midoobay, Khaalid Al-yamaani ayaa ka dalbaday Qaramada Midoobay in Xuuthiyiinta laga badbaadiyo Yemen.

Al-yamaani ayaa ku eedeeyey Xuuthiyiinta iney xasuuqayaan dadka rayidka ah, islamarkaana hor istaagaan kooxaha gurmadka degdegga ah.

Yemen waxay doonaysaa in ciidamadaas ay gaar ahaan tagaan magaalooyinka Cadan, iyo Taiz.

Baaqa dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ayaa yimid kadib markii Xuuthiyiintu la wareegeen degmo muhiim ah oo ka tirsan magaalada Cadan oo ay horay gacanta ugu hayeen taageerayaasha madaxweyne Haadi.

Xaafadda Xuuthiyiintu qabsadeen oo lagu magacaabo Al-tawahi ayaa waxaa ku yaalla saldhiga ciidamada badda, ciidamada Ilaalada Xeebaha, TV-ga Cadan iyo saldhiga qeybta 4-aad ee milateriga Yemen.

Warqadda ay Yemen u qortay Gollaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa sharciyan u fasaxaysa ciidamada shisheeye in ay sameeyaan faragelin.

Isbaheysi Sacuudigu hogaaminayo ayaa 26-kii Maarso duqeyn xirka ku bilaabay Jabhadda Xuuthiyiinta, kadib markii Yemen codsatay faragelin milateri.

Dhanka kale, Xuuthiyiinta ayaa duqeeyey doon ay la socdeen da Yemeniyiin oo ka cararayey magaalada Cadan, iyagoo doonayey iney u qaxaan dhanka dalka Jabuuti.

Madfaca ku dhacay doontaas ayaa sababay geerida ilaa 20 ruux oo rayid ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!