Yariisow: Kuma Dayaneyno Alshabaab Shirkadahana Lama Cadaadinayo

Muqdisho – Mareeg.com: Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay jaritaankii shirkadda Hormuud ee adeega Internet-ka mobile-ka kadib markii Alshabaab cadaadis xoog leh arrintaas ku saartay shirkadda.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisoow ayaa sheegay in xiritaanka Internet-ka ee mobileka uu ku yimid hanjabaad Alshabaab u jeedisay shirkadda Hormuud, dowladda Soomaaliyana aysan ku dayan doonin ururkaas oo aysan cadaadis saari doonin shirkadda Hormuud.

Afhayeenka Madaxtooyada Eng. Yariisoow oo wareeysi siiyay Laanta Afsoomaaliga ee VOA ayaa sheegay in dowladda ay mas’uuliyad ka saarantahay ilaalinta xuquuqda iyo danaha shacabka Soomaaliyeed, sidaasi darteedna aysan u dhaqmi Karin sida Shabaab oo kale.

Eng. Yariisow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya dedaal u geleyso sidii shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen deega Mobile Internet oo laga jaray 6-dii bishaan Febaraayo 2014.

“Waxaan shacabka u xaqiijineynaa in dowladdu ay dadaal ugu jirto sidii ay shacabku u heli lahaayeen adeegyada Intarnetka, mana rabo intaas wax sii dhaafsiisan inaan idaacadda ka sheego’’ ayuu yiri Afhayeenka madaxtooyada Qaranka Eng. Yariisoow.

Eng. Yariisoow ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya aysan culeys saari doonin ganacsatada, wuxuuna falka Alshabaab ku xireen Internet-ka mobile-ka ku tilmaamay fal kasoo horjeeda horumarka.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa khamiistii lasoo dhaafay hawada ka saartay adeega Mobile Interne-ka oo ay adeegsan jireen dadweyne aad u farabadan oo ku noolaa magaalooyin kala duwan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sida muuqata ka laabatay hanjabaad horay uga soo baxday oo ay wasaaradda Amnigu ujeedisay shirkaddii u hogaansata amarka Alshabaab ee lagu mamnuucayey Internet-ka.

Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245