Yaa u soo gudbay wareega labaad (Laba Musharax oo loolanka ugu weyn u dhaxeeyo)

Read Time:1 Minute, 17 Second

Muqdisho ( Mareeg News ) Guddiga qaban qaabada doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada rasmiga ee cododkii wareegii koowaad la tiriyay, iyadoo afar musharax ah ay sharci ahaan wareega labaad u soo gudubtay oo ah afarta ugu cododka badan.

Cododkii la tiriyay ayaa muujinayay sida loolanka loogu jiro xilka Guddoomiyaha Golaha shacabka uu u xooggan yahay, waxaana ay u muuqataa in illaa wareega 3aad la isla aadi doono, haddii aanay wax is bedelin.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ku horeeyay codod dhan 83 cod, cododkii la tiriyay wareega koowaad.

Musharax Ibraahim Isaaq Yarow ayaa isna ah ninka labaad ee ku xiga oo helay 69 cod.

Sidoo kale Musharaxa kaalinta saddexaad galay waa C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo isna helay 54 cod.

Waxaa kaalinta afaraad galay Shariif Maxamed Cabdalla oo helay 19 cod, waxaana uu isna sidaas ku soo gudbay wareega labaad.

Lixda kale ee Musharaxiinta ayaa iyana haray, kaddib markii ay heli waayeen codod ku filan oo ay ugu soo gudbaan wareega labaad.

Loolanka ugu weyn ee Tartankan uu dhex mari doono Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Ibraahim Isaaq Yarow iyo C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

Waxaa loo baxay qado iyo salaad, iyadoo la isku soo laaban doono, waxaana xaalka u muuqdaa mid aan la saadaalin karin, marka loo eego sida Musharaxiinta cododka helay aanay wax sidaa u weyn u kala sareynin.

Yaa tanaa sulay?

Waxaa tanaasul laba xildhibaan hadana waxaa tartanka iskugu soo haray xildhibaan Ibraahim isaaq yaroow iyo xildhibaan maxamed mursal Sidaasna waxaaa toos loogu gudbay wareega sedexaad.

La soco wixii warar ee ku soo kordha

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %