Yaa Muhiim ah Falka mise Natiijada? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Yaa Muhiim ah Falka mise Natiijada?

                                                                WQ/Dr. Cabduraxman Baadiyow

Fal kasta waxaa loo sameeyaa in natiijo la rabo lagu gaaro. Ganacsiga waxaa loo sameeyaa in ribix laga helo! dagaal waxaa loo gala in guul lagu gaaro! Imtixaan waxaa loo galaa in lagu barmooso! Maslaxo waxaa loo galay in dadku ku heshiiyo, xoolaha waxaa loo dhaqdaa in lagu nacfiyo!!, beeralaha waxaa loo fashaa in dalag la helo! Dhaqtarka waxaa loogu tagaa in laga helo dawo lagu caafimaado!!! Waa fal ugeedo laga leeyahay oo natiijo laga sugaayo oo hadii natiijadaas laga waayo, noqoneysa tacab khasaare iyo daal la kororsaday. Hadaba, waxaa lagama maarmaan ah in aad mar kasta isweydiiso ficilkaaga waxaa ka dhalan kara iyo natiijada kaaga soo baxeysa. Waxyaabaha aan tussalaha kusoo dheegay, waa wax la wada ogyahay oo la wada fahamsanyahay. Laakiin, waxaan rabaa in labo arin halkaas iska weydiino maxaa natiijo ah oo laga rabaa oo laga sugaa!!

Tan koobaad, maxaa shanta salaadood loo dukadaa? Maxaa loo soomaa? Maxaa Ilaahey noogu waajibiyay cibaadaadka? Ujeedada Ilaahey ka leeyahay maxey tahay? Su’aalahaas waxaan weydiiyay dad badan oo Somaali ah, waxaana iiga soo baxday inaan la aqaanin ama si sahlan oo aan qoto dheereyn loo fasiro. Bal aqristow isweydii su’aalahaas. Ma Ilaahey ayaa ubaahan salaadaynna iyo sowmkayna? May!! Ilaahey waxba uga baahna addoomadiisa. Inta aan cibaadadka la gaarin, waxaa ka horeysa, tawxiidka in la qiro iyo in laga dhabeeyo nuxurkiisa. Waa maxaa micnaha Tawxiidku? Waa inaad qirto oo aad rumeeyso inaad tahay ruux xor ah oo Ilaahey kaliyah amarkiisa ku socda, waxa Ilaahey reebay ka reebanyihiin, waxa Ilaahey diiday diidaya. Waa sidaas micnaha Tawxiidka oo kooban. Waxaa Ilaahey reebay iyo waxa uu faray waxaa noo sheegay Nabi Muxammad (NNK) oo lagu soo dejiyay kitaabka Qur’aanka iyo dhamaan hadalladiisa iyo ficilladiisa oo ah lagu magacaabo Axaadiista. In ruuxu qiro inuu Ilaahey kaliya adoon u yahay micnaheedu waa waxaan ahay xor aan marna aqbali karin inaan ruux kale oo aadami ah aan iska raaco, hadalkiisana yeelo, haddii ay khilaafsanyihiin tan Ilaahey. Miisaanka ruuxa muslimka ah waa kan Ilaahey oo ku saleysan: maxaa sax ah oo in la sameeyo la rabo iyo maxaa khalad ah oo in laga tago, lagana hortago la rabo.

Haddaba, marka aad xor noqoto, waxaa Ilaahey ku faray inaad tababar joogto ah lagu siiyo si aad unoqono bani-aadam dhab ah oo udhaqma sida Ilaahey raalli ka yahay, gaashaankana u daruuri kara sharta iyo sheydaanka insiga iyo jinniga. Saaladaha, soonka, Xajka, Zakada oo ah tiirarka Islaamka lagu dhisay iyo cibaadaadka kale ee soo raaca, waa tababar joogto ah oo mid kastaba micno gaar ah leeyahay. Waxaa qofka lagu tababaraa waa inuu noqodo ruux leh dhaqan fiican oo bani-aadannimo. Waa ruux akhlaaq fiican oo ka tusaale qaata Nabigeyna oo yiri “Aniga waxaa la iisoo baxshay inaan dhameystiro Akhlaaqda fiican”. Ilaahey waxa uu ku amaanay Nabigeynna waa akhlaaqda fiican “Waxaa leedahay akhlaaq wayn”. Sidaas darted, cibaadada oo dhan waxaa la rabaa iney dhasho ruux aan been sheegayn oo runlow ah, ruux aan wax khiyaameyn oo aamin ah; ruux caadil ah oo aan dadka dulminayn; ruux dadku usimanyihiin oo aan qofna xaqireyn; ruux naxariista, kaalmeeyana kuwa tabaaleysan; ruux u hogaansama qawaaniinta oo ka horyimaada fawdada; ruux madax noqon kara, madana loo noqon karo; ruux shaqaysa oo noloshiisa dabirta; ruux aan ka cabsan xaqqa ee ku adkaysta; ruux rumeysan dadka in taladu ka dhaxayso oo kali-talis kasoo horjeesta (rumeysan shuurada) iwm. Ruuxa sifooyinkaas leh ayaa laga rabaa iney ka dhalato cibaada kasta oo la sameynaayo.

Haddii cibaadada ay ka dhalan wayso natiijadaas ka waran? Haddii ruuxi tuug yahay, khaain yahay, beenaale yahay, naxariis daranyahay, masjidkana uusan ka bixin, sanad kasta xajiyo, ramadaan kasta cumreysto, kuna xajiyo, kuna cimreysto xoolo xaaran lagu tabcay, ummadda xoolaheeda oo la boobay? agoon xoolaheeda oo la leexsado? hantida samafalka oo la bililiqaysto? Micnaheedu waa cibaado aan la helayn natiijadii Ilaahey muslimiinta ka rabay sow ma aha? Micnaheedu waxey la mid tahay adiga oo goobaha jirka lagu dhiso maalin kasta taga si aad udhisto murqahaaga, hadana murqahaagu dhismi waayeen. Maxaad ku dheefeysaa jineystikadaas? Maxaad ka kororsatay jirdhiskaas? Waa sidaas oo kale cibaadaddka qofka laga rabo, haddi natiijadii ruux suuban oo bani-aadam fiican ah ay dhali wayso, waxaan daal aheen lagama kororsan, umana muuqato in Ilaahey aqbalay.

Tan labaad, waxaa la ogyahay in qabaailku mar kasta ku muransanyihiin maxaa ruux cidaynna ah madax looga dhigi waayay? Maxaa madaxweynaha uu unoqon waayo cideynna? Maxaa wasaarad weyn loogu dhiibi waayay ruux cideynna ah? Arinkaas si aan ufasiro waxaan u kala saarayaa labo arin: Sharaf beeleed oo reer kasta wuxuu ku faanaa in ruux qabiilkooda ah madax noqday, kana sareeyaan qabiilada kale. Waa dareen sharafeed been ah oo dhaqanada qabiilka ku jira, oo aan waxba tareyn, dhibaatooyin badana ukeena qabiilka. Tussaale waxaa loo soo qaadan karaa in qabaa’il badan ruux cidooda ah marka uu madax noqday, dhibaatooyin weyn kasoo gaartay. Qabiilooyinku waxey ka dhaxleen geeri iyo saboolnimo, iyo agoon iyo naafo. Waa dhici karta in koox yare oo ka mid an beesha ay hanti xaaraanna boobaan, ayadana waxey ka dhaxlayaan naar aakhiro iyo hoog aduunyo. Sidaas darted, wax macnaha ma laha Sharaf beeleed been oo faan ku dhisan. Beeshu waa iney sharafteeda ka dhexraadisaa in wiilashoodu sameeyaan wax lagu faani karo oo Ilaahey raalli ka yahay, oo janno lagu geli karo.

Tan kale, dawladnimada waxaa laga rabaa in ruux kasta ee muwaadin ah isku si loola dhaqmo, qaanuunka isku si loogu fuliyo, shaqada isku si loogu qaybiyo. Dawladda waxaa laga rabaa iney bulshada siiso adeegyada loo baahanyahay sida amniga, tacliinta, caafimaadka iyo shaqada. Qabaa’ilku waa ururo bulsho ee ma aha unug siyaasadeed oo dadku ikhtiyaarkooda kusoo galaan. Marka dawlad la joogo dadka oo dham waa in loo arkaa muwaadinnin usiman xuquuqda iyo waajibaadka. Haddii sidaas loo dhaqmo, ruuxa madaxda noqonaya qabiilka uu udhashay micno gaar ah ma sameyneyso ee waxaa micno sameeynaya natiijada dawladnimo uu la yimaado. Siyaasiyiinta beeluhu soo xusheen waa in la weydiiya maxaad ka qabateen deegaanka beeshiina, dugsiyo ma ka furteen? Isbitaallo ma ka dhisteen? Ceelal ma uqodeen? Dadkiina shaqo ma u abuurteen? Maxaa qabiilkiinu idinku dheefaa? Maxuu idinka helaa? Mise, waxaad rabtaan inaad magaca reerkiina adigu ku nacfiso, koox afminshaar ah gurbaan been ah kuu garaacaan? Somaalida oo dhan waa isku baahi, waxey rabaan nabad, waxey rabaan waxbarasho iyo caafimaad, waxey rabaan daryeel, waxey rabaan shaqo, waxey rabaan iney madaxdooda doortaan, waxey rabaan natiijada ugu dambeysa oo ah, iney noqdaan ummad Sharaf leh oo laga qadariyo dunida oo aan hoos loo firin sida hadda xaalkeynu yahay.

Gunaanadkii, balanteynu waa inaan xor noqono, xumaan sameyn ka xurowno, xaraan cunid ka xurowno, isxaqiraad ka xurowno, eex iyo dulmi ka xurowno!! Cibaadadaynu noqota mid naga dhigta bani-aadam suuban, dawladnimadeynu noqoto mid dadku u aayo oo sharaf iyo nolol soo kordhisa, madaxdana ku doorta waxey so qabteen iyo waxey qaban karaan ee aan ku dooran caadifad kale ama laaluush.  Siyaasiyiinta waa in lagu xisaabiyaa wax qabad, hufnaan, iyo la noolaashaha dadkooda. Ma aha falkaaga ee waa natiijada ka dhalata waxa muhiimka ah!!!

 

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More