Yaa loo qabtay dilkii xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Yaa loo qabtay dilkii xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir?

Mareeg.com: Guddigii xukuumadda Soomaaliya u saartay baaritaanka dilkii 23-kii bishaan Muqdisho loogu geystay xildhibaan la oranjiray Yuusuf Maxamed Dirir iyo 2 qof oo shacab ah ayaa sheegay in falkaas loo xiray 14 ruux oo ah eedeysanayaal.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka,  Axmed Cali Dahir oo xubin ka ah Guddiga ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Xarunta CID ayaa sheegay in baaritaanka uu wali yahay mid horu dhac ah.

“Shilkii ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama 23-kii bishan, halkaasoo muwaadiniin Soomaaliyeed ku geeriyoodeen oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Dirir iyo labo qof oo kale shacab ah, Guddiga baaritaan horu dhac ayay ku guuleysteen inay soo bandhigaan, waxaa gacanta lagu hayaa saddex baabuur, qoryihii fal dambiyeedka lagu galay iyo ilaa 14 ruux oo u xiran falkaas” ayuu yiri Axmed Cali Dahir.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in saddex baabuur ay kala yihiin baabuurkii ay Xildhibaanada wateen, gaari ay leedahay Waaxda Socdaalka iyo gaarigii ay wateen Ciidamadii Milateriga ahaa.

“Waxaa gacanta Guddiga ku jira ilaa todobo qori oo lix qori ay yihiin AK47, halka qoriga kalena uu yahay BKM, waxaana tuhunsanahay inay yihiin kuwo fal dambiyeedka lagu galay 14 ruux ee falkaas u xiran labo ka mid ah waa Ciidamada Milateriga, iyagoo dhaawac ah ayay xiran yihiin” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in falkii lagu dilay Xildhibaan Dirir ay ka dambeeyeen ciidamo milateri ah, iyadoo Wasaaraddu tilmaamtay in falkaas uu ahaa mid ku dhacan si kama’a ah, markii gaari ay wateen ciidamada oo wadada marayay ay dhowr jeer hoon u yeeriyeen gaariga Xildhibaanada la socdeen, dabadeedna markii uu ka dhega adeegay ay wado kale mareen, rasaasna ku fureen.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!