Yaa ku guuleystay feerkii la sugayey tobanaan sano ee ka dhacay Mareykanka? (Sawirro)

Mareeg.com: Feeryahanka Ameerikaanka ah ee Floyd Mayweather ayaa ku guulaystay cayaarihii feerka ee muddo tobanaan sannadood ah la sugayey oo ka dhacday Mareykanka.

150221091325_floyd_mayweather_and_manny_pacquiao_512x288_getty_nocredit

Mayweather wuxuu kaga guulaystay ninkii reer Filibiin ee ay is hayeen Manny Pacquiao, go’aan loo dhan yahay oo ay garsoorayaashu gaareen.

Ku dhowaad 17,000 oo qof ayaa dagaalkaas ku daawaday MGM Grand Garden Arena oo ah halka uu feerku ka dhacayey ee magaalada Las Vegas.

Ilaa 3 Malyan oo qof oo dunida kala jooga ayaa feerkaas kala socday TV-yada lacagta lagu daawado.

Tikidho badan oo lagu galayey feerka ayaa dib loogu sii iibiyey tobanaan kun oo Doollar.

Feerkan ayaa waxaa la filayaa inay ka soo xarooto lacag dhan 400 oo milyan oo doolarka Mareykanka ah. 

Floyd Mayweather ayaa helay dhibco dhan 118-110, halka dhigiisa Manny Pacquiao uu helay 116-112, waxaana sidaas lacagtii tartanka taalay eee 300-milyan waxaa uu helay Floyd Mayweather 180 milyan, halka Manny Pacquiao uu helay 120 Milyan.

feerka (6)feerka (5)feerka (4)feerka (3)feerka (8)feerka (2)feerka (1)feerka (7)

Mareeg Media