Yaa dilay xildhibaankii shalay lagu khaarijiyey Muqdisho? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Yaa dilay xildhibaankii shalay lagu khaarijiyey Muqdisho?

Mareeg.com: Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday arrin la yaab ku noqotay dadka Soomaaliya, taasoo ah in dil shalay xildhibaan loogu geystay Muqdisho ay geysteen milateriga Soomaaliya.

Wasaaradda Amniga Qaranka ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in askar ka tirsan ciidamada xoogga dalka ay ku lug lahaayeen dilkii shalay magaalada Muqdisho loogu geystay mudane ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya, oo lagu magacaabo Yuusuf Cabdi Dirir.

Afhayeenka wasaaradda Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa ka sheegay  shir jaraa’id, in gaari ay wateen askarta oo si xowli ah ku socday, doonayeyna in uu baaso midka xildhibaannadu saarnaayeen uu rasaasta ku furay gaariga, taasoo keentay dhaawaca soo gaaray Xildhibaan Yuusuf Cabdi Dirir oo markii dambe uu u geeriyooday.

Maxamed Yuusuf, afhayeenka wasaaradda Amniga Gudaha, ayaa sidoo kale sheegay in weerarkan aysan ahayn mid lagu bartilmaameedsanayay xildhbaanada, balse gaariga ciidanku watay uu ku socday si masuuliyad darra ah.

Wuxuu sheegay in goobta ka dhacday kala shaki dhexmaray ciidamada ka kala tirsan dowladda oo keentay in is-rasaaseyn.

Afhayeenka ayaa dhanka kale xusay in dhacdadaasi uu ku naf waayey xildhibaanka iyo darawalkiisa, isla markaana uu dhawac ka soo gaaray mid ka mid ah ilaaladii xildhibaanka oo ka tirsanaa ciidanka booliska iyo lix ka tirsan ciidanka milatariga.

Wasaaradda amniga, ayaa sheegtay in guddi ka kooban 10 xubnood loo saaray baaritaanka dhacdada, si ciddii ku lug laheyd sharciga loo horkeeno.

Al-Shabaab ayaa markii hore sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi. Balse Afhayeenku wuxuu beeniyey in Al-Shabaab ay ka dambeysay dilkaas.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!