Xuutiyiinta Yemen oo qabsaday doomo u socday Soomaaliya
Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Koofurta Kuuriya ayaa xaqiijisay in kooxda xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka yemen ay gacanta ku dhigeen Doomo ay leeyihiin oo ku wajahnaa dekadda Magaalada Berbera.
Doomanka oo gaaraya ayaa la sheegay in Ciidamada Xuutiyiinta ka qabteen Xeebaha Dalka Yemen meel 15km u jirta.
Waxaa la shaaciyey in dadka saarnaa doonta ay ka kooban yihiin 16 qof oo labo ka mid ah ay u dhasheen Dalka Koofurta Kuuriya halka inta kale aan weli la sheegin dalka ay u dhasheen.
Dowladda Koofurta Kuuriya ayaa sheegtay in ay bad qabaan muwaadiniinteeda,hayeeshee ay gacanta ku hayaan Kooxda xuutiyiinta,sidoo kalena ayt ka walwal san yihiin.
Doomaha ayaa ka baxay Gobolka Jizaan ee Dalka Sucuudi Carabiya,hayeeshee ay gacanta u galeen Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka yemen.
Comments are closed.