Mareeg.com: Kooxda Xuuthiyiinta ayaa gacanta ku dhigay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Taciz oo ah magaalada 3-aad ee ugu weyn dalka Yemen, sidaas waxaa laga soo xigtay mas’uuliyiin amni.
Wararka ilaa hadda soo baxay ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha magaalada Taciz uu ka mid yahay qeybaha ay Xuuthiyiintu ka qabsadeen magaalada.
Rabshadaha dagaal ee dalka Yemen ayaa ah kuwa sii kordhaya, iyadoo ay halkaas ku loolamayaan Xuuthiyiinta, Alqaacidda, Khalaafada Islaamiga ah iyo taageerayaasha madaxweynaha caalamku aqoonsan yahay ee dalkaas, Cabdi Rabbi Haadi Mansuur.
Goobjoogayaal ku sugan Taciz ayaa warbaahinta u sheegay in magaalada lagu arkayo maleeshiyada Xuuthiyiinta oo xiran labiska milateriga.
Xuuthiyiinta dalka Yemen ee Shiicada ah ayaa la sheegay iney taageero weyn ka heystaan Iran iyo maleeshiyo taabacsan madaxweynihii hore ee dalkaas, Cali Cabdalla Saalax.
Wariye ka tirsan BBC oo ku sugan Yemen ayaa sheegay inuu arkay raxn taanigyo 50 ah oo ah nuuca (T62), kuwaasoo ka baxay Sanca, una jiheystay dhank Taciz si ay u xoojiyaan Xuuthiyiinta oo doonaya iney gacanta ku dhigaan magaalada oo dhan.
Xuuthiyiinta ayaa loo badinayaa iney doonayaan iney gaaraan magaalada Cadan oo ah ku taalla Koonfurta dalka Yemen, halkaasoo uu ku sugan yahay madaxwyene Cabdi Rabi Hadi Mansur.
Afhayeen u hadlay kooxda Xuuthiga, oo lagu magacaabo Muxamed Cabdisalaam ayaa sheegay inaan kooxdiisu gacamaha ka laaban doonin waxa uu ugu yeeray isbaheysiga madaxweyne Hadi iyo Alqaacidda.
Magaalada Taciz ee uu haatan dagaalku ka socdo ayaa ku taalla xeebta dalkaas, gaar ahaan dhulka u dhaxeeya caasimadda dalka ee Sanca iyo magaalada Cadan oo ah magaalada labaad ee dalkaas.
Mareeg Media