Xuuthiyiinta oo $93 kun dollar ku raba madaxa Haadi * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xuuthiyiinta oo $93 kun dollar ku raba madaxa Haadi

Mareeg.com: Kooxda Xuuthiyiinya dalka Yemen ee la magac baxay Ansaarullah ayaa lacaga dhan 20 Milyan oo riyaalka dalkaas ah, una dhiganta $93 kun dollar dul-dhigtay madaxada madaxweynaha dalkaas, Cabdi Rabuh Mansur Hadi oo ku sugan magaalada Cadan.

Warsidaha 26-ka September ee taabacsan wasaaradda difaaca Yemen oo ay heystaan Xuuthiyiinta ayaa maanta oo arbaco ah qoray in qofkii soo qabta madaxweyne Hadi la siin doono lacag dhan 20 Milyan riyaal oo u dhiganta $93 kun oo doollarka Mareykanka ah.

Lacagtaan lagu raadinayo madaxa madaxweyne Hadi ayaa kusoo beegantahay xilli saaka la hadal hayey warar kala duwan oo shaki gelinaya in madaxweynuhu ku sugan yahay Cadan iyo inkale.

Jabhadda Xuuthiyiinta ayaa duulaan ku ah magaalada Cadan, oo ay kusii dhawaanayaan, waxaana madaxweynuguu Qaramada Midoobay iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka ka codsaday iney la sameeyo faragelin milateri oo ka dhan ah Xuuthiyiinta.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!