Xuska Maalinta Qowmiyadaha Itoobiya Oo Maanta Ka Furmaya Magaalada Jigjiga

Read Time:1 Minute, 35 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Waxaa maanta magaalada Jiga-Jiga ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ka furmaya dabaal degayo ku saabsan maalinta qowmiyadaha Itoobiya.

Xuskaan oo sanad kasta lagu qabto dalka Itoobiya ayaa haataan markii u horeysay lagu qabanayaa Gobolka Soomaalida reer Itoobiya.

Munaasabadan oo la qabto sanad walba ayaa lagu dhigaa gobol gaar ah, waxaana xuskan oo ah kii 8-aad lagu soo bandhigi doonaa dhaqamada qowmiyadaha sagaalka gobol ee Ismaamulka Itoobiya.

Xuskan maanta ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dhexe ee dowladda Federaalka Itoobiya, Madaxweynayaasha sagaalka gobol ee Ismaamulka Qowmiyadaha Itoobiya, Madax ka socda Maamulada Soomaalida iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya, waxaa halkaas jooga wasiirka warfaafinta dowladda Federaalka ah C/llaahi Ciilooge Xirsi, madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole, madaxweynaha maamulka KMG ah ee Juba Axmed Madoobe, madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo, gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Somaliland C/raxmaan Ciirro iyo mas’uuliyiin kale.

Dhanka kale, madaxweynaha maamulka ismaamulka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamed Cumar oo hadal ka jeediyay xafladdaas ayaa sheegay in maamulkiisa ay sharaf weyn u tahay inuu markii ugu horreysay ku qabto magaalada Jigjiga xuska maalinta qowmiyadaha dalka Itoobiya.

Cumar wuxuu sheegay in horumar ballaaran uu deegaanku ku tallaabsaday dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, isagoo xusay in magaalada Jigjiga uu ka muuqdo horumar dhinacyada dhismaha iyo ammaanka ah, wuxuuna xusay in wufuuddu ay ku farxi doonaan xuska qowmiyadaha Itoobiya.

Maanta oo Axad ah ayaa waxaa ka furmaya magaalada Jigjiga xuska maalinta qowmiyadaha dalka Itoobiya, kaasoo lagu soo bandhig doono dhaqamada kala duwan ee qowmiyadaha dalka Itoobiya ka jira, iyadoo inta ay xafladdu socoto ay jiri doonaan carwooyin kala duwan oo lagu soo ban-dhigi doono magaalada Jigjiga.

Xuskan ayaa waxaa ka qaybgalaya kumannaan wufuud ah oo ka kala socda dalalka Afrika, kuwa dariska la ah Itoobiya iyo dad kale oo dibadda Afrika ka imaanaya, iyadoo diyaargarow xooggan uu maalmihii ugu dambeeyay ka socday magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %