Xuska Maalinta ciidanka xoogga dalka oo ka socoto Mqudisho iyo Isku Socodka Qeybo kamid ah Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xuska Maalinta ciidanka xoogga dalka oo ka socoto Mqudisho iyo Isku Socodka Qeybo kamid ah Muqdisho

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay , xili la filayo in magaalada ay ka dhacdo munaasabad balaaran oo lagu xusayo aas aaska maalinta ciidanka Xooga Soomaaliyeed oo ku beegan 12-ka April.

Inta badan Wadooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa Laamiga Maka Al-Mukarama ilaa laamiga Warshadaha ayaa saakay xiran, waxaana wadooyinkaasi lasoo dhoobay ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya.

Wadooyinka xiran ayaa gabi ahaan loo diidayaa in ay isticmaalaan gaadiidka kala duwan ee dadweynaha marka laga reebo gaadiidka ciidanka, waxaa sidoo kale wadooyinka qaarkood xitaa loo diidayaa in dadka shacabka ah ku lugeeyaan.

Xarumo badan oo Waxbarasho sida Jaamacado iyo Iskuul ayaa maanta la fasaxay sababo la xariira wadooyinka loo xiray Dabaal dega, waxaana maanta aad u yar isku socodka dadka qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan Laamiyada Warshadaha iyo Sodonka.

Munaasabada lagu xusayo aas aaska ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa la filayaa in ay ka dhacdo Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya, waxaana la filayaa in Munaasbada ka qeb galaan Madaxda sare dalka iyo Saraakiil ciidan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.