Xulka K/cagta Somalia oo galabta la ciyaaraya xulka Niger ciyaar ka tirsan is reeb reebka Koobka Adduunka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xulka K/cagta Somalia oo galabta la ciyaaraya xulka Niger ciyaar ka tirsan is reeb reebka Koobka Adduunka

Xulka K/cagta ee Qaranka Soomaaliya ayaa galabta la ciyaaraya xulka K/cagta ee Niger ciyaar ka tirsan is reeb reebka Koobka Adduunka ee sanadka 2018 lagu qaban doono dalka Ruushka.

Ciyaartan ayaa ka dhici doonta magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo Xulka Qaranka Soomaaliya ay gurigooda oo kale ay ku ciyaarayaan, maadaama magaalada Muqdisho lagu ciyaari karin sababo amni awgeed.

Labada xul ee Soomaaliya iyo Niger ayaa dhowr jeer oo hore isku arkay Tartamo kala duwan, waxaana marna dhinacooda la dhigin Niger, waxaana markii ay u dambeysay ee ay Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho ku wada ciyaaraan ay aheyd sanadkii 1980-kii, balse ku dhamaatay 1-1, Niger ayaana xilligaas rigoorayaal ku badisay.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa ku ciyaari jiray dalka Jabuuti, marka martida loo yahay oo kale ee ka dhigan sida in gurigooda lagu ciyaarayo oo kale, hase ahaatee Jabuuti ayaa waxay iyana galabta qaabili doontaa xulka K/cagta ee Swaziland.

Si kastaba ha ahaatee tartanka Ciyaaraha Is reeb reebka Afrika ee Koobka Adduunka ayaa waxaa labadan xul tii soo baxda ay u gudbi doonaa wareega Group-yada is reeb reebka, maadaama Afrika laga rabo kaliya shan dal.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!