Xulalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo galabta ciyaaraya

Read Time:37 Second

Xulalka kubada Cagta ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa galabta ku wada ciyaari doona garoonka Awasa, ciyaar ka tirsan tartanka isreeb reebka wadamada bariga iyo bartamaha Afrika.

Xulka Kubada Cagta ayaa hore waxaa uga soo badiyay xulka Tansaniya oo ku dhuftay 4 gool iyo 0, waxaana aad u yar rajada ay dad badan ka qabaan in Soomaaliya ay ku guuleysato kulanka galabta.
Xulka qaranka Soomaaliya ayaa doonaya inuu ka soo kabsado guuldaradii uu kala kulmay Tansaniya, iyadoo cayaarta galabta ay tahay mid adag.
Rajada xulka Soomaliya ayaa xun taaso ay sabab u tahay waxaa ka dhaawacan weerar yahanada Bille Muxyadiin iyo Jabriil Xasan.
Sanadkii 2011-kii Itoobiya ayaa 5 iyo 0 uga badisay Soomaaliya ciyaar ka tirsaneyd isreeb reebka koobka wadamada bariga iyo bartamaha Afrika.

 

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.