Xulafada oo adeegsanaya dekedaha Berbera & Bosaso

Mareeg.com: Isbaheysiga Sacuudigu hogaaminayo ee la dagaallamaya kooxda Xuuthiyiinta Yemen ayaa la sheegay iney adeegsan doonaa dekedaha magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera, kadib markii dowladda Soomaaliya dhawaan ku dhawaaqday iney isbaheysigaas u fasaxday adeegsiga hawadda iyo badda Soomaaliya.

Wargeyska The Guardian ee kasoo baxay dalka Britain, oo soo xiganaya ilo dhanka amaanka ah oo Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in dekedaha dowladda Soomaaliya u fasaxday isbaheysiga ay kala yihiin Boosaaso iyo Berbera, maadaama ay yihiin labada dekedooda ee dhow dalka Yemen.

Ilaa hadda lama lama sheegin goob ka mid ah badda ama hawada Soomaaliya oo loo adeegsaday dagaalka ka dhanka Xuuthiyiinta dalka Yemen, inkastoo dowladda Soomaaliya fasax bixisay.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245