Xulafada oo adeegsan kara badda & hawada Somalia

Mareeg.com: Dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa ogolaatay in dhulka, badda iyo hawada Soomaaliya loo adeegsan karo weerarrada ka dhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yeman.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cumar Hadliye, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ku xaqiijiyey go’aankaasi.

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in ay diyaariyeen guddi si gaar ah ula socda xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yeman iyo wixii laga yeeli lahaa xaaladooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay iney taageersan tahay Isbaheysiga ka dhanka ah jabhadda Xuuthiyiinta ee inqilaabay dowladdii sharciga aheyd ee dalka Yemen.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245