Xulafada ka dhanka ah IS oo maanta ku shiraya France * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xulafada ka dhanka ah IS oo maanta ku shiraya France

Mareeg.com: Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry waxa uu sheegay in ku dhawaad 40 dal ay soo bandhigeen in ay gacan ka gaystaan gaashaan buur caalami ah oo la dagaalanta Khilaafada Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya.

Isaga oo hadlay kahor shirka Isniinta manta ah ka furmaya Paris, Kerry waxa uu sheegay in wadammo kala duwan oo Carab ah ay ogolaadeen in ay ka qaybqaataan duqaymo xagga cirka ah oo ka dhan ah dadka Jihaad doonka ah, laakiin arrintaasi ay dhici doonta haddii wadanka Ciraaq uu raali ka noqdo oo kali ah.

Shirka maanta ka dhacay dalka Faransiiska oo uu ku baaqay madaxweynaha dalkaas, Francois Hollande ayaa waxaa ka qeybgekaya madaxweynaha Ciraaq Fu’ad Macsuum iyo R/wasaararaha dalkaas, Xeydar Al-cbaadi.

Sidoo kale, waxaa shirka ka qeybgelaya xoghayaha arrimaha debadda Mareykanka, John Kerry, xoghayaha arrimaha debadda Britain, Philip Hammond iyo dhowr ka mid ah wasiirada arrimaha debadda Carabta.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa sidii loo horjoogsan lahaa faafitaanka Khalaafada Islaamiga ee uu hogaamiyo Abuubakar Al-baqdaadi, taasoo maamusha qeybo ka badan oo ka tirsan Ciraaq iyo Suuriya.

Dowladaha ilaa hadda cadeystay iney ka qeyb qaadannayaan dagaalka ka dhanka ah Daacish waxaa ka mid ah Australia, iyadoo R/wasaaraha dalkaas Tony Abott uu sheegay in Daacish ay tahay koox diineed dad qal ah taas oo aan khatar ku ahayn dadka bariga dhexe oo keliya balse halis ku haysa caalamka oo dhan, oo ay ku jirto Australia.

Dowladda Australia, waxay direysaa 400 oo ciidanka cirka ah iyo 200 oo askarta lugta ah, kuwaas oo tababarayaal milateri u noqon doona ciidammada Ciraaq ama Kurdiyiinta Peshmerga.

Ciidanka Australia waxaa saldhig u noqonaysa xarun Maraykanku ku leeyahay dalka Isutagga Immaaraadka Carabta.

Siddeed ka mid ah dayuuradaha dagaalka ee casriga ah ee dalka Australia ayaa sidoo kale ku biiraya dagaal caalami ah oo lagaga hortegayo dagaallamayaasha islaamiga ah ee soo socda.

Ra’iisalwasaare Abott waxaa uu sheegay in dowladdiisu aanay weli go’aansan inay ciidan dagaallama u dirto inay xagga dhulka ka dagaallamaan.

Toddobaadkii hore, Canberra waxay markii ugu horreysay sare u qaadday heerka feejignaanta argagixisada sababtoo ah suurta galnimada weerarro ay soo qaadaan muwaadiniin reer Australia oo ka soo noqonaya dagaalka ka socda dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Bishii August 2014, waxaa Dowladda Islaamka ee Dacish loo yaqaano ay madaxa ka gooyeen James Foley iyo Steven Sotloff oo ahaa laba suxufi oo haystey Dhalashada Maraykanka.

Sidoo kale, bishaan September ayay gowraceen qof shaqaale samafal oo British ah, kaasoo lagu magacaabi jiray David Haines, sababta ay u gawraceen ayaa ahayd in dagaalka laga joojiyo taas oo ah mid aan dhicin.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!