Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay dar dar gelineyso Howl gallada ka dhanka ah Al Shabaab

Read Time:30 Second

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya  Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo shalay booqday Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in la sii dar dar gelinayo Howl gallada ka dhanka ah Al Shabaab ee Gobollada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Wasiir Diini ayaa xusay in  Howl galladu marayaan heer gaba gabo ah islamarkaana dhawaan gebi ahaan gacanta dowlada iyo Maamul Goboleedyada soo geli doonaan deegaanada Al Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada howl gallo xoog leh oo ka dhan Saldhigyada Al Shabaab ee deegaanada dalka kuwaas oo qaarkood Al Shabaab looga qabsaday meelaha ay ku sugan yihiin.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.