Xukuumadda Soomaaliya oo meelmarisay sharciga Isgaarsiinta

Read Time:51 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Golaha wasiirada Soomaaliya oo xalay kulmay Muqdisho ayaa meelmariyey sharciga Isgaarsinta dalka, kaasoo ay soo gudbisay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

Dood Wasiirradu ka yeesheen sharciga Isgaarsiinta dalka kadib ayey isku raaceen meel marintiisa, loona gudbiyo baarlamaanka Soomaaliya si uu eego, una ansixiyo.

Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad ah ku meel mariyey xeerkan waxaana u codeeyey 19 Wadsiir 2 wasiirna waa ka aamuseen mana jirin cid ka hortiim.

Xeerkan ayaa ah mid kala hagaaya shirkadaha isgaarsiinta, islamarkaana taabo gelinaya wadashaqeynta wasaaradda Isgaarsiinta iyo shirkadaha Isgaarsiinta ee sida gaarka ah loo lee yahay.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Xaaji Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sameynta sharciga Isgaarsiintu ahmiyadda u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa xusay in arrintaani fududeyneyso in dowladda uu dakhli soo galo, waxaana uu tilmaamay in sharcigaan ay horgeyn doonaan Baarlamaanka Soomaaliya si ay uga doodaan.

Meelmarinta sharciga Isgaarsiinta ee golaha wasiirada ayaa kusoo beegmay xilli uu dalka ka shaqo gelayo Interner-ka xawaaraha sare leh ee Fiber Optic.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.