Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay Shirka u socda Madaxda * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay Shirka u socda Madaxda

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa shaaciyay in si wanaagsan uu u socdo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee ka socda Teendhada Afisyooni.

Afhayeen Macalimuu ayaa sheegay in Shirka u socda Madaxda uu furay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uuna shirka hordhac u yahay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka.

Afhayeenka Xukuumadda ayaa tilmaamay in Shirkaan lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo hirgalinta hishiikii 17 Sep iyo qodobadii ka soo baxay shirkii Guddiga Farsamada ee Baydhabo.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in  Shirka aysan ka qeyb galeynin Wakiilo ka socda Beesha Caalamka oo kaliya yahay mid u dhexeeya Madaxda Soomaalida.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa markii u horeysay hor-fariistay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Rooble, kaddib saddex todobaad oo Muqdisho ku sugnaayeen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.