Xukuumadda Soomaaliya oo ansixisay sharci lagu xakameynayo hubka sharci darrada ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xukuumadda Soomaaliya oo ansixisay sharci lagu xakameynayo hubka sharci darrada ah

Mareeg.com: Golaha wasiirada Soomaaliya oo manta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyey Sharci ku saabsan la dagaallanka hubka sharci darrada ah.

Shirka Golaha Wasiirrada kadib waxaa warbaahinta la hadlay afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji C/weli, kaasoo sheegay in xukuumaddu meelmarisay Sharciga Xakameynta Hubka.

Sharcigaasi ayaa noqon doono mid looga hortago Hubka wax dila, islamarkaana ay wasaaradda Amniga qaadi doonto talaabooyin lagu dhaqangelinayo sharcigaasi, sida Afhayeenka Xukuumaddu tilmaamay.

Sidoo kale, sharcigaan ayaa mamnuucaya iibinta, dhoofinta iyo sameynta hubka.

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliya Muqdisho ku qabatay labo howlgal oo hub fara badan lagu soo qabtay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.