
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay Qarax is-miidaamin ah oo barqadii Maanta ka dhacay deegaanka Lafoole ee duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan dowladda iyo Injineero Turki ahaa.
Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibrahim Macallimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Xukuumadda ay Cambaareyneyso qaraxaas lala beegsaday Ciidanka Booliska Haramcad iyo Injineerada Turkida ahaa ee dhigayay wadada xiriirisa Muqdisho iyo degmada Afgooye.
Dowladda ayuu Afhayeen Macallimuu sheegay inay tacsi u direyso dadkii ku geeriyooday qaraxii Maanta ee isugu jiray Ciidanka iyo dad shacab ah oo xiligaas goobta Agdhawaa, isla markaana uu jiro khasaaro dhaawacyo ah.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay sii wadista dhismaha jidkan muhiimka ah, isagoo shacabka ugu baaqay in ay dhinac uga soo wada jeestaan la dagaallanka Al-shabaab.
Ugu yaraan saddex Askari iyo hal ruux oo Turki ah ayaa ku geeriyooday Qaraxii Maanta ka dhacay deegaanka Lafoole, halka dad ku dhow 7 qof oo afar kamid ah yihiin Injineero Turki ah ay ku dhaawacmeen weerarka.
Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Lafoole, iyagoona inay ku dileen Sarkaal ka tirsan Turkiga, halka laba Askari kalena ay dhaawacmeen.