Xukuumadda oo ka hortimid Guddiyadii Doorasho ee Puntland iyo Jubbaland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xukuumadda oo ka hortimid Guddiyadii Doorasho ee Puntland iyo Jubbaland

War kasoo baxay Dowlada Federalka ayaa waxaa ay ku sheegtay inaan la soo gaarsiin guddiga ay Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay soo magacaabeen.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in aan lasoo gaarin qoraal rasmi ah oo ku saabsan Magacaabista Guddiyada Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee maamulaya doorashooyinka heer Dowlad Goboleed.

“Xafiiska Wasiirka 1-aad ee XFS iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta midkoona sooma gaarin qoraal rasmi ah oo ku saabsan Magacaabista Guddiyada Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee maamulaya doorashooyinka heer Dowlad Goboleed” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa xalay soo saaray qoraalo lagu magacaabayo guddiyada farsamo ee laga sugayay,waxaana guddiyada soo dhoweeyay midowga musharaxiinta.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More