Xukuumada Soomaaliya oo xoojineysa xakameynta hubka sharci darrada ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xukuumada Soomaaliya oo xoojineysa xakameynta hubka sharci darrada ah

Mareeg.com: Shir gaarka ah oo ay maanta Golaha Wasiirada  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, uuna shir gudoominayey Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa looga hadlay Hindisaha Xakameynta Hubka sharci darrada ah, Tayeenta Waxbarashada dalka iyo qodobo kale.

Shirka Golaha Wasiirrada oo aroortii horre ee saakay bilowdey ayaa soo dhammaadey xili dambe, go’aannadii ka soo baxay shirka golaha Wasiirada, ayaa waxaa Warbaahinta u faah-faahiyey Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli, waxaana uu sheegay in golaha Wasiirada ay ammaan iyo boggaadin u jeediyeen dhammaan Ciidammada Qalabka Sida oo  maalmihii la soo dhaafay qaadey tallaabooyin lagu dhabar jabiyey kooxaha nabad diidka, isagoo xusay in hay’adaha ammaanka la faray in ay sii xoojiyaan dadaalladaasi.

Sidoo kale golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta si weyn uga doodey Hindise-sharciyeedka Xakeynta Hubka, kaa oo ay Wasaaradda Amniga Qaranka soo gudbisay, marka la eeggo muhiimadda Sharcigaasi, ayeey golaha Wasiiradu siiyeen waqti dheeraad ah oo ay uga doodaan, sida uu sheegay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya.

Goluhu waxa uu warbixinno ka dhageystay guddiga loo xilsaaray Xaaladaha beni’aadannimo ee Soomaaliya ka jira waqtigani, iyadoo Xukuumaddu mar kale ay sheegtay in dalka ay ka taagan tahay xaalad dhanka Abaaraha, golaha wasiirada ayaa Howlgalka AMISOM ugu baaqay in ay ka jawaabaan baaqa Xukuumadda ee ku aaddan in ay fududeeyaan sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa deegaannada ay  haraadiga ku yihiin nabad diidka.

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa xusay in dadaal ku aaddan sidii Daryeel Caafmaad oo dibedda ah loogu qaadi lahaa Ilmo yar oo Soomaaliyeed oo  iyaga oo isku dheggan ku dhashay ay qorsheynayaan, islamarkaana ay socdaan dadaal arrintaasi ku saabsan, kaddib markii uu tilmaamay in mas’uuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta iyo tan Haweenka ay arrintaasi dadaal badan ka geysteen.

Shirkan gaarka ahaa ee golaha wasiirada maanta isugu yimaadeen ayaa si gaar ah ahmiyad loo siiyey wax ka qabashada ammaanka oo natiijooyin fiican laga gaaray iyo sidoo kale arrimo ay ka mid yihiin ka hortagga abaaraha iyo u gar gaaridda Bulshada Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa ciidamada Soomaaliya si xoog ah kula wareegeen hub ay si sharci drro ah u heysteen dad ku dhex nool magaalada Muqdisho.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!