Xubno matalaya Soomaaliya oo loosoo magacaabay maamulka tartanka CECAFA- CAF ee ka dhacaya Tanzania — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xubno matalaya Soomaaliya oo loosoo magacaabay maamulka tartanka CECAFA- CAF ee ka dhacaya Tanzania

Mareeg.com-Somali Football Federation ‘SFF’ Media Department
Attachments9:05 PM (16 hours ago)

to info, bcc: info
Xubno matalaya Soomaaliya oo loosoo magacaabay maamulka tartanka CECAFA- CAF ee ka dhacaya Tanzania

Sadex masuul oo ka socda dalka Soomaaliya oo kala ah: Cali Maxamed Axmed, Shaafici Islaw iyo Caamir Cabdi Xasan ayaa ku jira liiska maanta lasoo saaray ee guddiga maamulka cayaaraha CECAFA-CAF U-17 ee bisha dambe ka dhacaya dalka Tanzania.

Cayaarahan oo ah heer CAF ayaa waxaa ku loolami doona wadamada ku jira ururka kubada cagta bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA, waxaana lagu marti gelin doonaa dalka Tanzania.

Masuuliyiinta ka socota Soomaaliya oo muddo dheer kasoo qeyb qaatay maamulida cayaaro badan oo caalami ah ayaa mid kasta wuxuu qaabilsanaan doonaa shaqo gaar ah, waxaana ay ka mid yihiin 25 xubnood oo ururka kubada cagta Africa ee CAF uu usoo xulay in ay cayaarahaasi maamulaan.

Caamir Cabdi Xasan ayaa ah isu duwanaha guud ee tartanka, Shaafici Islaw, waxaa uu masuul ka yahay xafiiska warfaafinta halka Cali Maxamed Axmed uu yahay madaxa garsoorayaasha tartanka.

Cumar Ibraahim.

Xafiiska warfaafinta Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta

Email: info@somsoccer.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!