Xubno ka mid ah Al Shabab oo lagu qabtay Baardheere

Read Time:39 Second

Saacadihii la soo dhaafay Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa waxaa ay tuulooyin hoostaga degmada Baardheere ee Gobolkaas ka sameeyeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa intii uu socday ayaa waxaa la sheegay in lagu soo qabtay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,kuwaas oo ku sugnaa Saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin tuulooyin ku dhow degmada Baardheere.

Guddoomiyaha degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Cabdullaahi Nuur Xasan Cadow ayaa sheegay in howlgalkaan ay markii hore kasoo bilaabeen deegaano hoostaga degmada dhoobleey,isla markaana ay la wareegeen deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha inay howlgalka ku qabteen laba Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab,kuwaas  oo uu sheegay inay ku sugnaayeen Bar-koontorool ay Gaadiidka lacag uga qaadayeen Al-Shabaab.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.