Xubno Cusub Oo Ka Tirsan Dowlada Soomaaliya Oo Maanta Kusii Jeeda Cadaado * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xubno Cusub Oo Ka Tirsan Dowlada Soomaaliya Oo Maanta Kusii Jeeda Cadaado

Waxaa maalintii labaad Magaalada Cadaado kulamo kuleh Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka iyo Hogaanka maamulka Galmudug oo khilaaf Xoogan u dhaxeeyo.

Xubnahan Xildhibaanada ayaa Arbacadii shalay Cadaado gaaray waxaana ay la kulmeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo Xildhibaanada Qaar ee Galmudug Talaadadii Kalsoonida kala noqdeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne Kuxigeenka oo maalmihii ugu dambeeyay ku xayirnaa Xarunta Madaxtooyada KMG ee Magaalaada Cadaado.

Kulamada ayaa socday ilaa sacadii dambe ee Xalay waxaana maanta dib u bilaabanaya kulamadaasi.

Dhinaca kale waxaa maanta Magaalada Cadaado ku wajahan Xubno cusub oo katirsan Baarlamaanka Federaalka iyo Xukuumad Xildhibaanadan iyo Wasiirdan ayaa ku biiraya wada hadalada ka socda Magaaladaasi ee lagu xalinayo Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!