Xubnaha Ururka NUSOJ oo ka qeyb galay Shirka Dastuurka

Read Time:47 Second

Xubno matalaya Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa ka qeyb galay Shir-weynaha Qaran ee Dastuurka ee taariikhiga ah oo maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay ka qeyb galeen in kabadan 350 qof oo isaga kala yimid gobolada iyo dalka dibadiisa ayaa looga hadlayaa arimaha dastuurka Dalka Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ, Cumar Faaruuq Cismaan ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ka qeyb galka Shir weynaha Qaran ee Dastuurka.

Waxuu wax lagu farxo ku tilmaamay Shirkii ay soo agaasimeen Wasaarada Dastuurka ee Dalka, waxuuna xusay in muhiim ay tahay in dad kala duwan ay isugu yimaadaan halkaasi islamarkaana la dhageysto afkaartooda.

Xoghayaha Ururka NUSOJ ayaa waxuu amaan u jeediyay Wasaarada Dastuurka ee Dalka, waxuuna ku booriyay in ay sii laba jibaaraan dadaalka ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed.

Sikastaba, Xoghayaha Ururka NUSOJ ayaa muddooyinkii dambe waxuu kulamo ka waday Dalka Shiinaha, halkaasi uu uga qeyb galay Shirka Sanad laha ee Ururka IFJ.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %