Xubnaha guddiga Baarlamaanka Jubbaland ee qabashada doorashada Aqalka sare oo la magacaabay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xubnaha guddiga Baarlamaanka Jubbaland ee qabashada doorashada Aqalka sare oo la magacaabay

Guddoonka Golaha wakiilada Dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa maanta magacaabay xubnaha guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Aqalka sare ee Jubbaland oo dhawaan lagu wado in Kismaayo ka dhacdo.

Magacaabistaan uu Guddoonka Baarlamaanku sameeyay ayaa dabasocota codsigii shalay ay u gudbiyeen guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland kaas oo ahaa in golaha wakiilada Jubbaland magacabaan guddiga Baarlamaanka u qaabilsanaan doona doorashada Aqalka sare.

Doorashada Xildhibaanada aqalka sare ee Baarlamanaka federaalka ayaa guddiga doorashada heer federaal sheegeen in ay bilaaban doonto 25-ka bishan July , waxaana kaliya ka harsan doorashada mudo 8-maalin ah.

Halkan ka Akhriso Guddigan la magacaabay:

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.