Xubnaha Golaha Amaanka iyo madaxda Soomaaliya oo shir uga socdo garoonka Aadan Cadde * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xubnaha Golaha Amaanka iyo madaxda Soomaaliya oo shir uga socdo garoonka Aadan Cadde

Mareeg.com: Xunbnaha joogta ah ee  golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxeyna haatan ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Xubnaha Golaha Amaanka iyo dowladda Soomaaliya ayaa kulan uga socdaa garoonka diyaaradaha, iyadoo ay goobjoog ka yihiin kulankaasi madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Barlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ra’isuwlasaaraha xukuumadda federaalka ah  C/weli Sheekh Axmed Maxamed,
Kulankan oo socon doona ilaa gelinka dambe ee maanta ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ah xubno kasocda maamul goboleedyada kajira dalkeena sida madaxweynayaasha maamulada Juba iyo Galmudug iyadoo xubno kale oo matelaya maamulada kalena ay joogaan.

Ciidamo badan oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan ayaa lasoo daadiyay wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho iyo kuwa ku dhaw-dhaw madaxtooyada dalka ilaa Garoonka Muqdisho.

Ujeedada ciidamadaan badan looso dhoobay Magaalada Muqdisho ayaa wax ay tahay in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Garoonka Magaalada Muqdisho kula shirsan yihiin xubno ka socda Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Madaxda ayaa hada ku sugan Garoonka Muqdisho, iyadoo uu socdo shir albaabada uu uxiran yahay oo aan la ogeyn waxyaabaha looga hadlaayo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!