Xubin Sare oo ka tirsan Al Shabaab oo lagu qabtay Magaalada Marka
Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa guutada 14 Oktobar ayaa waxa ay Howlgal qorsheysan ka fuliyeen Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellalaha Hoose.
Howlgalkan Ciidamada dowlada ay ka sameeyeen gudaha Magaalada Marka ayaa waxa ay ku soo qabteen Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Dagaalamayaasha Al Shabaab,kaasi oo u qaabilsanaa Aasitaanka miinyooyinka ee dhulka.
Ciidamad xoogga Dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa guutada 14 Oktobar ayaa sheegay in sarkaalka howlgalka ay ku soo qabteen lagu Magacaabo Saleemaan Cumar Cabdulle oo kamid ahaa Al Shabaab.
Saleemaan Cumar Cabdulle oo la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa u sheegay in uu Al Shabaab ka tirsanaa,isla markaana u qaabilsanaa Aasitaanka miinyooyinka ee dhulka,uuna ku biiray 2015-kii.
G/dhaxe Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) oo ah Taliyaha guutada 14 Oktobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa sheegay in Sarkaalkan ay ka war heleen xogtiisa kadib markii ay usoo gudbiyeen shacabka ku dhaqan magaalada Marko ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
G/dhaxe Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) waxa uu sidoo kale sheegay in xiliga la qabanayay Horjogahaani uu buundada Magaalada Marko ku aasayay Miino.
Comments are closed.