Xoogaga Ahlusuna Waljamaaca oo markale soo ceshtay Guriceel

Read Time:46 Second

Mareeg.com: Wararka galabta ka imaanaya Guriceel oo ay saaka inteeda badan la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in haatan ay markale gacanta u gashay ciidamada Ahlusunna Waljamaaca.

Ilaa 9qof oo dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay ah ayaa ku geeriyooday tiro kale oo intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo maanta ku dhaxmaray Guri-ceel ciidammo ka tirsan dowladda iyo garab ka mid ah xoogagga Ahlu Sunna ee gobollada dhexe.

Goobjoogayaal ku sugan Guriceel ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay saaka weerar labo geesood ah ku soo qaadeen magaalada, islamarkaana la wareegeen saldhigyadii ay ku sugnaayen xoogagga Ahlu Sunna, waxaana markaas kadib bilaawday dagaal culus.

Dagaalyahannada Ahlu Sunna Waljamaaca oo adeegsanayay gadiidka dagaallka ayaa mar kale dib ula wareegay xarumihii ay qabsadeen ciidammada dowladda.

Xaaladda magaalada ayaan aheyn mid weli degan, maadaama ciidamada dowladda ee laga saaray ay fadhiyaan meel aan sidaas uga fogeyn.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.