"Xooga ay raggan nagu heystaan" Akhri warbixinta Human Rights Watch ee kufsiga AMISOM * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

“Xooga ay raggan nagu heystaan” Akhri warbixinta Human Rights Watch ee kufsiga AMISOM

Mareeg.com: Dhawaan hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo saartat warbixin ay ku sheegtay in ciidamada AMISOM kufsi u geysteen dumar Soomaaliya, iyadoo ay arrimahaas u fududeeyeen dalaallo Soomaali ah.

Warbixinta Human Rights Watch oo cinwaan looga dhigay “Xoogga ay Raggaan Nagu Haystaan” ayaa u qorneyd sidan:-

Soo Koobid

Waxaan ka cabsi qabay inuu dib u soo laabto oo uu mar kale ikufsado amaba uu idilo. Waxaan doonayaa in dawladdu ay ogaato awooda ay nimankan leeyihiin iyo xoogga ay nagu haystaan oo ay naga ilaaliyaan.

—Farha A., oo ah dhibane uu kufsaday askari AMISOM ah ayaa sidaa sheegtay iyadoo joogto Muqdisho bishii Febraayo 2014-ka

Bishii Juun ee sanadkii 2013-ka, turjumaan Soomaali ah oo ka shaqeeya Xarunta sare ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa la hadlay gabadha 17 sano jirka ah ee lagu magacaabo Aziza D.—ma aha magaceeda saxda ah—markaa ayuu ka codsaday inay “la saaxiibto” askari Yugaandhiis ah. Wuxuu gabadha oo ku rafaadsanayd mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho u sheegay in askarigu uu u samayn karo wax weliba oo ay u baahnayd hadii ay ula dhaqanto “sidii ninkeeda oo kale” oo “ay raaxo dareensiiso.”

Kadib markii ay askarigii la kulantay oo ay u cadaatay in looga baahanyahay in loo galmoodo ayay dib u fakartay, turjumaankii ayaa u sheegay in aanay bixi karin oo weliba calaacalkeedii iyo oohinteedii ahayd in aanu uga tagin kaligeed ninka ayuu iska indha tiray. “Markii aan diiday inuu igu soo socdo askarigii ayuu aad u xanaaqay, wuxuuna dib ugu yeeray turjumaankii, markaa ayuu af Soomaali iigu cagajugleeyay,” sidaa ayay Human Rights Watch u sheegtay.

Sanooyin badan oo dagaalo iyo abaaro ay ka jireen Soomaaliya ayaa sare u qaaday nuglaanshada haweenka iyo gabdhaha la midka ah Aziza D., taasoo keentay in tobanaan kun ay ka barakacaan reerohooda, iayagoo inta badan ay ku khasabto inay ka fogaadaan nimankooda ama aabayaashood ama ilaalada qabiilkooda. Iyagoon haysan wax kharash ah ama shaqo ah, haween iyo gabdho badan ayaa ku tiirsan caawinaad xagga dibada ah, taasi ayaana ku khasabto inay sameeyaan waxay awoodaan oo dhan si ay u dabaraan naftooda iyo tan qoyskooda Qaramada Midoobay, Human Rights Watch, iyo hay’ado kale ayaa wax ka qoray tacaaddiyo badan ee ku salaysan jinsiga oo loo geysto gabdhaha iyo haweenka Soomaalida ah, gaar ahaan kuwa barakacayaasha ah. Si kastaba, ku lug lahaanshaha askarta AMISOM ayaa inta badan waxaa iska indha tiray madaxda hawlgalka iyo deeq bixiyayaasha caalamiga ah.

Sida ay warbixintan muujinayso, qaar ka mid ah askarta AMISOM oo laga soo bilaabo sanadii 2007-dii la geeyay Soomaaliya si ay uga caawiyaan sugida amniga caasimadda Muqdisho, ayaa si khaldan u isticmaalay awoodooda si ay u ugaarsadaan haweenka iyo gabdhaha aadka u nugul ee ku sugan caasimadda. Askarta ayaa geystay falal kufsi ah iyo tacaddiyo kale oo dhanka galmada ah, iyo weliba ka faa’iidaysi galmo—in si khaldan loo isticmaalo oo laga faa’iidaysto nuglaanta dadka, kala awood badnaanta, ama is aaminidda in galmo la sameeyo awgeed Warbixintan waxay ku salaysan tahay cilmi baaris lagu sameeyay gudaha Soomaaliya, Yugaandha, iyo Burundi. Xogta lagu qoray waxay ku salaysan tahay 50 wareysi oo ay ka mid yihiin 21 dad la kulmay tacaddiyo galmo iyo gaboodfalo iyo wareysiyo lala yeeshay dad markhaatiyaal ah, kormeerayaal ajanabi ah oo ay ka mid yihiin wadamada ciidamadooda ay joogaan Soomaaliya iyo shaqaale kale oo militari ah.

Warbixintu waxay wax ka qoreysaa dhacdooyin tacaddiyo galmo ah oo ka dhacay caasimadda Muqdisho, oo intooda badan ay sameeyeen shaqaalaha Xoogga Difaaca Dadka Yugaandha ee (UPDF) ee ka dhaca xarunta sare ee AMISOM ama agagaarkeeda, Xerada saldhigga u ah AMISOM, iyo xerada Xoogga Difaaca Qaranka Burundhi ee (BNDF) guutadiisa Muqdisho ku sugan. Dhammaan dhacdooyinka lagu xusay warbixintan ayaa dhacay laga soo bilaabo sandkii 2013-kii.

Iyadoo la eegayo adayga iyo xasaasinimda cilmi barista ku saabsan maadadaan, walaaca xagga amniga ah, iyo weliba ka caga jiidka badan ee dadka la kufsaday iyo markhaatiyaasha ee ku aaddan inay ka hadlaan dhibaatooyinkii ku dhacay ayaanay Human Rights Watch qiimaynin baaxadda jiritaanka tacaddiyadan. Si kastaba, xogta la helay ayaa walaac badan ka muujineyso tacaddiyada ay askarta AMISOM u geystaan gabdhaha iyo haweenka Soomaalida ah, taasi waxay muujinaysaa dhibaato intaa ka weyn.

Human Rights Watch waxay wax ka qortay 10 dhacdooyin oo kala duwan oo tacaddiyo galmo ah, waxaana ka mid ah kufsi, dhibaatayn galmo, iyo 14 kiis oo si xun uga faa’iidaysi galmo ah. Afar ka mid ah kiisaska kufsiga iyo mid dhibaatayn galmo ah ayaa waxay ku dhaceen gabdho 18 jir ka yar. Dhibanihi ugu yaraa ee kiisaska aanu baarnay ayaa waxay aheyd gabar 12 sano jir ah oo joogtay meel dibada ka ah Baydhabo bishii Mey ee sandkii 2013-ka oo la sheegay inuu u geystay askari reer Yugaandha ah, waxaana jira kiis kufsi loo geystay qof carruur ah oo haatan hor yaala maxkamadda militariga ee Yugaandha, balse ma kala cadda inuu isla kiiskaas yahay iyo in kale.

Askarta ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee (AU), oo isticmaalaya dalaaley Soomaali ah, ayaa khidado badan adeegsaday si ay si qarsoodi ah ugu gaaraan haweenka Soomaalida ah oo ay ka dibna dhibaateeyaan. Qaar ka mid ah askarta AMISOM ayaa isticmaalay gargaarka biniaadnimo oo ay bixiyaan si ay ugu khasbaan haweenka iyo gabdhaha nugul inay u galmoodaan. Qaar ka mid ah haweenka iyo gabdhaha warbixintan lagu wareystay ayaa sheegay in markii hore loo sheegay inay galmo ku badashaan lacag ama la xoogay iyagoo ka doonanayo kaalmo caafimaad iyo biyo xeryaha AMISOM, gaar ahaan xerada guutada ciidamada Burundi. Qaar kale ayaa si toos ah looga soo gacan galiyay xeryaha barakacayaasha iyagoo dad dariskooda ah ama gabdho saaxiibahood ah ay u sheegayeen inay ka shaqeyn doonaan xeryaha AMISOM, dadkaas qaar ka mid ah ayaana iyagu horay uga shaqeynayay xeryaha. Qaar ka mid ah haweenka iyo gabdhaha la kufsaday ayaa sheegay in askartu ay siinayeen lacag ama cunto kadib kufsiga si ay ugu ekeeyaan inay arintu u dhacday si mucaamalo ah ama si ay uga hortagaan in aan laga eed sheegan ama kiis looga gudbin.

Haweenka iyo gabdhaha ay ka faa’iidaysteen askarta ayaa ka galayay xeryaha AMISOM albaabada rasmiga ah ee la ilaaliyo iyo meelo kale oo sida la sheego aad loo ilaaliyo.

Human Rights Watch ayaa ka war heysay kiisaska qaar fara ku tiris ah haweenka in la siinayay aqoonsi rasmi ah si loo sahlo maritaankooda albaabka. Ka faa’iidaysiga kufsiga waxaa uu sidoo kale ka dhacay deegaanka rasmiga ah ee guryaha AMISOM. Dhammaan dhaqamadan ayaa muujinaaya in tacaddiga iyo si xun uga faa’iidaysiga la qorsheeyay oo weliba ay raali ka yihiin masuuliyiinta sarsare.

Inta badan haweenka la wareystay ee warbixintan waxaa u galmooday hal askari oo kaliya mudo ka badan asbuucyo ama bilooyin, in kastoo qaarkood ay u galmoodeen askar badan, gaar ahaan xerada guutada Burundi Farqiga u dhaxeeyo si xun uga faa’iidaysiga galmo iyo tacaddiyada galmo ayaa ah mid aad u yar marka la eego nuglaanta haweenka iyo awooda iyo farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya iyaga iyo askarta. Haweenka galmo ahaan looga faa’iidaysto si xun waxay u nuglaadaan tacaddiyo kale oo ay askartu u geystaan, waxaana ku dhici kara khataro caafimaad oo halis ah. Haween badan ayaa sheegay in askartu ay diideen inay xirtaan cinjirka galmada oo markaasi ay ku dhaceen cudurada galamda lagu kala qaado. Qaar ayaa sidoo kale sheegay in ay dharbaaxeen oo ay qaraaceen askarta u galmootay.

Labo ka mid ah 21-ka haween iyo gabdho ee ay Human Rights Watch wareysatay kaliya ayaa sheegay inay u gudbiyeen ashtako dawladda Soomaaliya ama mas’uuliyiin kale. Dadka ka badbaada tacaddiyada galmo ayaa ka baqo aargoosi kaga yimaada gaboodfalayaasha, mas’uuliyiinta dawladd a, kooxda hubaysan ee Islaamiga ah ee Al- Shabaab, iyo weliba aargoosi kaga yimaada qoysaskooda.

Qaar ayaa sheegay in aanay laheyn wax awood ah oo ay ka walaaceen ceebaynta xagga bulshada ay kala kulmayaan hadii dacwadooda la shaac bixiyo. Qaar ayaa waxay su’aal ka keeneen sababta loo dacwoonayo hadiiba wadooyinka u furan ay sidaa u yar yihiin. Qaar ayaaba ka caga jiidayay inay waayaan meesha kaliya ee ay ka helaan nolashooda.

Bayaankii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee soo baxay sanadii 2003-da ee ku saabsanaa tallaabooyinka khaaska ah ee looga hortagayo tacaddiyada iyo si xun uga faa’iidaysiga galmada ayaa ah nuqul wax ku’ool ah oo sababay sameynta mabaadii ku aaddan si xun uga faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, wuxuuna si cad uga mamnuucayaa hawlgallada nabad ilaalinta ee QM inay galmo ku badashaan lacag, alaab, ama adeeg. Qeexidiisa ka faa’iidaysiga waxaa ka mid ah meelaha haweenka iyo gabdhaha ay nugulyihiin oo aanay lahayn awood la mid ah tan ay leeyihiin gaboodfalayaasha, qeexidan oo noqotay dhaqan caalami ah ayaa sheegaysa in haweenaydu ay ogolaato inay galmo ku badalato lacag aanay muhiim ahayn marka laga hadlayo nabad ilaalinta.

Gudiga habdhaqanka ee Midowga Afrika oo wadamada AMISOM ciidamada ku biiriya ay khasab ku tahay inay raacaan, ayaa waxaa uu mamnuucayaa si xun uga faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada.

Ilaa inta haweenka iyo gabdhaha barakacayaasha ah ee Soomaaliya ay ka helayaan qorshe ka weyn inay nolol maalmeedkooda oo kaliya raadiyaan, waxay ahaanayaa kuwo u nugul si xun uga faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada. Waa in aanay dib ugu dhicin arin la mid ah mida ku dhacday gabadha 19 sano jirka ah ee lagu magacaabo Kassa D.: “Waan walwalsanaa, waxaan rabay inaan cararo balse waxaan ogaa wixii halkaan ikeenay inay wali jiraan—baahidayda,” sidaa ayay sheegtay. “Go’aan ayaan qaatay hadana dib uma laaban karo.” Sidaa ayay raacisay.

Sida hawlgalada nabad ilaalinta caalamiga ah oo kale, dhammaan shaqaalaha AMISOM oo ay kamid yihiin shaqaalaha Soomaalida ah ee maxalliga ah, ayaa waxaa mamnuuc ka ah in lagu maxkamadeeyo wadanka ay ka hawlgalayaan oo loo qabsado dambiyada ay galaan marka ay waajibaadkooda gudanayaan.

Wadamada ciidamada ku soo biiriya—waa wadamada ay ciidamadu u dhasheen—ayaa leh awood buuxda oo ay ku maxkamadeeyaan shaqaalahooda marka ay galaan dambiyo. Si kastaba, waxaa qabanaya dhammaan heshiisyada ay la saxiixaan Midowga Afrika ka hor inta aanay ciidamada geynin iyo waajibaadkooda ku aaddan xuquuqul insaanka caalamiga ah iyo gargaarka biniaadanimo oo ah inay baaraan oo ay maxkamadeeyaan dambiyada iyo dhaqan xumada lagu soo eedeeyo.

Wadamada ciidamada geeya Soomaaliya, haba kala duwanaadeenee, waxay sameeyeen qaabab lagula xisaabtamo dhaqan xumada ay sameeyaan ciidamadooda. Ciidamda ayaa la siiyay tababaro ku aaddan habdhaqanka ay dajiyeen Gudiga habdhaqanka ee Afrika ka hor inta aanan la keenin, la taliyayaal xagga sharciga ah iyadoo dambi baarayaal military ah la soo raaciyay markii la keenayay Soomaaliya, waxaana mudnaan leh in dawladda Yugaandha ay maxkamad militari geysay mudo sanad ah Muqdisho sanadii 2013-ka. In maxkamad militari ay sidaa u joogto waxay caawinaysaa in la uruuriyo cadeymo, oo ay noqonto mid laga cabsado oo lagu xaqiijiyo in markhaatiyaasha la heli karo oo loo xaqiijiyo dadka dhibanayaasha ah in ay caddaalad helayaan. Maxkamadii dib ayaa Yugaandha loogu celiyay.

Kadib markii ay horay u diideen eedaha loo soo jeediyay ee ku saabsanaa tacaddiyada galmada, madaxda AMISOM ayaa bilaabay inay qaadaan tallaabooyin lagula tacaalayo dhibaatada. Gaar ahaan, AMISOM waxay sameysay sanadkii 2013-ka qorshe qabyo qoraal ah oo ku aaddan sidii looga hortagi lahaa loogana jawaab celin lahaa ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, waxay sidoo kalena sameeyeen qaabab lagu daba galayo ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada.

Si kastaba, qorshaha qabyo qoraalka ahi wuxuu u baahan yahay in si weyn loo xoojiyo si uu wax ku’ool u noqdo. Waxaa intaa dheer, tallaabooyinka wax tarka ah ee ilaa hada la isku dayay ayaa u muuqdo kuwo lagu ilaalinayo magaca AMISOM halkii dhibaatada wax laga qaban lahaa. Wali majiraan qaab loo soo gudbiyo ashtakooyinka, mana jirto baaxad lagu baaro tacaddiyada. Waxaana taa ka sii daran in uusan jirin isku day siyaasadeed oo ay sameeyaan wadamada ciidamada geeya Soomaaliya oo ku aaddan in arinta tacaddiga iyo si xun uga faa’iidaysiga galmada la siiyo mudnaan oo si wax ku’ool ah loo sameeyo qaabkii lagu xallin lahaa dhibaatada.

Soo afjarida si xun uga faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada ay sameeyaan ciidamada AMISOM waa in lagu bilaabo sameynta isku day siyaasadeed oo ay sameeyaan madaxda siyaasada iyo militariga wadamada ciidamada geeya Soomaaliya si loo soo afjaro in dambiyada ay la fakadaan gaboodfalayaasha, iyo in la xaqiijiyo in dadka badbaaday si wanaagsan loo caawiyo. Marka hore, waa in wadamada ciidamada geeya Soomaaliya ay si weyn u xoojiyaan awooda ay u leeyihiin inay baaraan dambiyada oo gudaha Soomaaliya ay wax ku maxkamadeeyaan. Waa inay Soomaaliya u diraan dambi baarayaal iyo xeer ilaaliyayaal si wanaagsan loo tababaray oo hadii ay suurta gal tahay maxkamad militari ka sameystaan gudaha Soomaaliya.

Midawga afrika iyo AMISOM waxay u baahan yihiin inay xoojiyaan habdhaqan asaasi ah oo ah dhaqan “inaan loogu dulqaadanayn” hadii madaxda ciidanka ay iska indha tiraan hawlaha sharci darada ah ee ka dhaca xarumahooda. Taliyayaasha ciidanka waa inay sameeyaan wax badan oo ay uga hortagayaan, ku ogaanayaan, kuna ciqaabaan dadka sameeya dhaqamadaas oo kale.

Midowga Afrika waa inuu si durbo ah uga dhex sameysaa hawlgallada nabad ilaalinta waaxo qaabilsan dhaqanka iyo anshaxa suuban iyo waax dambi baaris ah oo madax bannaan oo si wanaagsan loo qalabeeyay oo ay ka shaqeeyaan xubno madax bannaan oo tababaran. AMISOM waa inay sidoo kale xaqiijisaa xog uruurin wax ku’ool ah oo ku aaddan ashtakooyinka, baaritaanda iyo maxkamadeynta dadka sida xun uga faa’iideysta galmada kuna kaca tacaddiga oo ay u hogaansantaa inay sanad weliba shaaciso warbixin ay siinayso Midowga Afrika ee ku aaddan arinkan.

Tallaabooyinkan waxay garab soconayaan dadaalo kale oo looga hortagayo si xun uga faa’iidaysiga iyo tacaddiga galmada ka dhaca xeryaha AMISOM, waxaana ka mid ah in si wanaagsan loo soo kala shaandheeyo ciidamada dhammaan si loo xaqiijiyo in aanay dhicin in dad horay u geysatay tacaddi galmo la geeyo wadan kale, oo si weyn ay u shaqaaleeyaan haween askar noqda, gaar ahaan kuwa booliska ah ee u tababaran sida militariga-booliis militaariyo.

In si madax bannaan looga war hayo hawlaha ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale loo baahanyahay. Deeq bixiyayaasha caalamiga ah ee AMISOM, gaar ahaan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Dawladda Mareykanka iyo Dawladda Ingiriisku waa inay xaqiijiyaan in Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya ee (UNSOM) uu leeyahay waax xuquuqul insaan oo xooggan oo awood u leh inay fuliso Qorshaha isku dayga wanaagsan ee Xuquuqul insaanka ee u dajisan Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobayhay, ee lagu doonayo in lagu xaqiijiyo in Qaramada Midoobay aanay taageerin ciidamo aan kuweeda ahayn oo tacaddiyo sameynaya. Deeq bixiyayaasha caalamiga ah waa inay xaqiijiyaan in hadii ay jiraan waxyaabo cadeyn kara in ciidamo ay taageeraan ay geystaan ama fuliyaan tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka caalamiga ah iyo sharciga gargaarka, oo ay ka mid yihiin ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyda galmada, oo dawladaha u xilsaaranna ay ka gaabiyaan inay wax ka qabtaan, waa inay taageerada kala laabtaan.

Awood si khalad ah loo isticmaalo: Qeexida Ka faa’iidaysiga iyo tacaddiga galmada Bayaankii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee soo baxay sanadii 2003-da ee ku saabsanaa tallaabooyinka khaaska ah ee looga hortagayo tacaddiyada iyo si xun uga faa’iidaysiga galmada ee shaqaalaha QM iyo kuwa la xiriira ayaa sheegaya:

  • Tacaddiga galmada waa “caga jugleynta ama sameynta fal qaab galmo leh, hadii uu yahay mid khasab lagu sameeyo ama mid ka dhasho xaalad awoodaha oo aan sinayn ah.”
  • Ka faa’iidaysiga galmada waa “waa tacaddi kasta oo dhaca ama la isku dayo oo ka imaada xaalad nuglaan ah, awood kala badan, ama is aaminaad, oo loo sameeyo galmo awgeed, oo ay ka mid tahay, balse aan ku koobnayn, in looga faa’iido lacag ahaan, bulsho ahaan ama qaab siyaasadeed iyadoo galmo ahaan looga faa’iidaysanayo qof kale.”

Bayaanka ayaa si cad u mamnuucay in “ galmo lagu badasho lacag, shaqaaleeyn, alaab ama adeeg, oo ay ka mid tahay galmo ama qaabab kale oo liidid ama dhaqan ka faa’iidaysi ah.” Waxay sidoo kale ka mamnuucaysaa nabad ilaaliyayaasha inay isku hawliyaan inay u galmoodaan dad ka yar 18 sano, iyadoon la eegayn da’da ogolaashada galmada ee wadankaas.1

1Bayaankii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee tallaabooyinka khaaska ah ee looga hortagayo si xun uga faa’iidaysiga iyo tacaddiga galmada, ST/SGB/2003/13, 9 October 2003.

Talooyin

Ku Socoto Wadamada AMISOM ku biiriyo ciidamada (Yugaandha, Burundi, Itoobiya, Kenya, Jabuuti, iyo Siiraaliyoon) iyo guutooyinka booliska ah

  • Si durbo ah u baar, qaad tallaabooyin anshaxa lagu wanaajinayo oo si wanaagsan u maxkamadee dhaqan xumada ay ka mid tahay ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada;
  • Xaqiiji in tiro ku filan oo ah militariga booliska ah, dambi baarayaal rayid ah oo madax bannaan, iyo sharci yaqaano in la geeyo Soomaaliya si ay u sameeyaan baaritaano sugan oo dhexdhexaad ah oo degdeg ah sidii horay loo sheegayba;
  • Magacaw xeer ilaaliye militari ah oo xeel dheer u leh baaritaanda ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, oo ay ka mid yihiin kiisaska carruurta, waa in si degdeg ah loo geeyaa Soomaaliya si uu uga qeyb qaato baaritaanada eedaha la xiriira ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada;
  • Xaqiiji in dhammaan xubnaha ka tirsan kooxda baaritaanka samenaysa, oo ay ka mid yihiin tarjumaanada, xeer ilaaliyayaasha, shaqaalaha caddaalada si wanaagsan loo kala shaandheeyo oo loo tobabaro inay la shaqeeyaan dadka ka badbaaday ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, oo ay ka mid yihiin carruurta;
  • Waa in maxkamado militari la geeyaa Soomaaliya, waa in maxkamad militari loo geeyaa goobaha hawlgalka si joogto ah ama in maxkamdo militari mar weliba loo diro Soomaalaiya;
  • Xaqiiji in dhibanayaasha iyo qoysaskooda ay helaan xog buuxda oo ku saabsan halka uu marayo kiiskooda, waana in loo sameeyaa qof kiiska ka shaqeenayo oo ay si joogto ah ula xiriiri karaan;
  • Waa in la qaadaa tallaabooyin lagu ilaalinayo badqabka dhammaan dhibanayaasha ka hor, inta uu socdo iyo ka dib gunaanadka kiiska iyadoo la kaashanayo AMISOM-ta iyo QM. Tallaabooyinka la qaaday waa inay ka caawisaa qarsoonida sirtooda. Waa inay ka mid ahaato, oo aanay ku koobnaan, dib u dajin loogu dhex sameeyo gudaha Soomaaliya. Xooji in dacwada loo dhageysto si qarsoodi ah iyadoo la qarinayo aqoonsiga dhibanaha marka laga reebo wixii aan looga kaaftoomayn in caddaalad la helo iyo in la qariyo magaca marka xukunka la ridayo, xukunka waa in la shaaciyaa;
  • Taliyayaasha guutooyinka iyo qeybaha waa inay si joogto ah ugu celceliyaan tababaro ku saabsan ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada oo ay ciidankooda kala hadlaan ilaalinta anshaxa wanaagsan sida ku xusan heshiiska dhaqan wanaagga ee u dajisan Midowga Afrika, waa inay xaqiijiyaan in dhammaan askarta ay fahansanyihiin hab dhaqankaa oo weliba kaar loogu qoro iyadoo la isticmaalayo luqada wadankooda;
  • Qiimee dadaalada taliyayaasha iyo maamulayaasha ee ku aaddan sida ay u meelmariyaan tallaabooyinka looga hortagayo oo lagu cirib tirayo ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada;
  • Waa in baaritaan qotto dheer lagu sameeyaa dhammaan shaqaalaha loo soo dirayo inaya ka shaqeeyaan Soomaaliya, si loo xaqiijiyo in dadka horay u geystay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka caalamiga ah iyo sharciyada gargaarka, oo ay ka mid tahay ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, ama uu baaritaan ku socdo, ama kiis ku socdo, ama horay loo mariyay ciqaab anshax suubis ah oo ku aaddan dambiyo kuwaa la mid ah, waa in laga reebaa dadka la dirayo;
  • Waa in la qaado tillaabooyin wax ku’ool ah oo lagu badinayo tirada askarta haweenka ah ee militariga, militariga booliska ah iyo shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliya la geeyo.

Ku Socoto Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM)

  • Waa in la kala shaandheeyaa dhammaan militariga, booliska, iyo saraakiisha rayidka ah ee sare ee AMISOM lagu daro, waana ina la xaqiijiyaa in dadka horay u geystay dambiyo ka faa’iidaysi galmo ah, ama uu baaritaan ku socdo, ama kiis ku socdo, ama horay loo mariyay ciqaab anshax suubis ah oo ku aaddan dambiyo kuwaa la mid ah, waa in laga reebaa dadka loo dirayo AMISOM iyo dhammaan kala shaandhaynta ay sameeyaan wadamada ciidamadooda soo diraya;
  • Waa in la sii wadaa in loo qaybiyo kaararka ay ku qoran yihiin habdhaqanka anshax wanaagga ee u dajisan Midowga Afrika dhammaan guutooyinka, oo loogu qoro luqad ay fahmi karaan, waa in la xaqiijiyaa in waqti iyo juhdi badan lagu bixiyo in sare loo qaado ka warqabka mas’uuliyada ah in la’ilaaliyo habdhaqanka anshax wanaagga ee u dajisan Midowga Afrika;
  • Si joogta ah ugu yeer taliyayaasha guutooyinka wadamada ciidamada ay joogaan si ay markaasi uga warbixiyaan baaritaanada iyo waxyaabaha ka soo baxay ee ku aaddan ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada;
  • Kordhi kormeerka, ay ka mid yihin kor meerida iyo roondooyinka militariga booliska ah oo meelaha go’doonka ah ee ku yaal xeryaha la sheegay inay tacaddiyada ka dhacaan ama ay u dhawdahay inaya ka dhacaan si looga hortago ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada;
  • Si wanaagsan ugu gudbi xogta ka soo baxda baaritaanda la sameeyay mas’uuliyiinta wadamada ciidamadooda ku soo biiraya hawlgalka Soomaaliya, Ergayga Gaarka ah ee Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (SRCC), Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya ee (UNSOM) qeybta Xuquuqul Insaanka, iyo Midowga Afrika iyadoo si gaar ah loo eegayo baaritaanada laga sameeyay tacaddiyada la xiriira ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada;
  • Si toos ah ugu war bixi Midowga Afrika ee Nabada iyo Golaha Ammaanka iyo weliba Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ashtakooyinka la xiriira ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, oo ay ka mid yihiin natiijooyinka baaritaanda, talaabooyinka anshax suubiska ah, ama maxkamadeynta sida ku xusan habdaqanka anshax wanaagga ee u dajisan Midowga Afrika;
  • Ugu baaq dhamman wadamada ciidamadooda ay joogaan iyo hoggaanka AMISOM inay la shaqeeyaan qeybta Xuquuqul Insaanka ee UNSOM si loo xaqiijiyo in la raacay qorshaha ku dadaalida in la wanaajiyo xuquuqul insaanka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay;
  • Waa in la xaqiijiyaa in dadka u hadla jinsiyada lagu tobabaro sidii ay ula shaqeyn lahaayeen dadka ka badbaaday ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, oo ay ka mid yihiin carruurta; • Waa in la sameeyaa istiraatiijiyad xog uruurin ah oo ay sameeyaan ururada u dooda xuquuqda haweenka Soomaalida si ay dadweynaha ugu gudbiyaan qaababka ashtakooyinka iyo sidii loola socon lahaa;
  • Si dhaw ula shaqee Qaramada Midoobay si loo xaqiijiyo in si qarsoodi ah oo wax ku’ool ah loogu sii gudbiyo ashatakooyinka la xiriira shaqaalaha AMISOM, ee horay loogu keenay QM;
  • Iyadoo la kaashanayo QM, waa in la sameeyaa adeegyo iyo caawinaad la siiyo dadka ka badbaaday ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada;
  • Iyadoo la kaashanayo QM, waa in la bixiyaa daryeel caafimaad iyo taageero xagga maskaxda ah oo loo sameeyo dadka dacwoonaya, dhibanayaasha, iyo markhaatiyaasha dadka ay wax yeeleeyeen shaqaalaha AMISOM;
  • Iyadoo la kaashanayo QM, wadamada ciidamadooda ay joogaan iyo ururada udooda xuquuda haweenka Soomaalida, waa in la xaqiijiyaa in dadka ka badbaaday tacaddiyada galmada ay helaan ilaalo inta lagu guda jiro baaritaanada iyo maxkamadeynta;
  • Ku war gali dadweynaha la socoshada kiisaska qaarkood, tusaale ahaan, in dadweynaha loo shaaciyo oo looga waramo si joogto ah wixii baaritaano ah oo la sameeyay iyo waxyaabihii ka soo baxay, iyadoo aan wax loo dhimeyn qarsoonida iyo hananka caddaalada;
  • Qiimee dadaalada taliyayaasha iyo maamulayaasha ee ku aaddan sida ay u meelmariyaan tallaabooyinka looga hortagayo oo lagu cirib tirayo ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada;
  • Xaqiiji in boosaska cusub ee ilaalada, xuquuqul insaanka iyo jinsiyada iyo qeybta shaqaalaha anshax wanaagga ay mudnaanta siiyaan sidii wax looga qaban lahaa tacaddiyada ku salaysan jinsiga, xaqiiji in shaqaalaha la qoray ay aqoon u leeyihiin tacaddiyada ku salaysan jinsiga; shaqaalahaas waa inay si toos ah ugu waramaan SRCC-da; Intaa waxaa dheer, in AMISOM ay si durbo ah u soo gabagabayso qorsheheeda qabyo qoraalka ah ee ku saabsan sidii looga hortagi lahaa loogana jawaab celin lahaa kafaa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, marka dib u eegid lagu sameeyo oo wax laga badalo ka dib si loo xaqiijiyo inay noqoto aalad ilaalo ah oo wax ku’ool ah. Qorshe qoraalka ugu dambeeya waa inuu:
  • Ku jirto qeexid la mid ah mida lagu sheegay bayaankii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee sanadkii 2003-da ee ku saabsanaa sida looga hortagayo ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada iyo heshiiska ay wad saxiixdeen Midowga Afrika iyo wadamada ciidamda ku soo biiriya;
  • Ku sharax qorshaha si ay u wada qabato dhammaan shaqaalaha AMISOM iyo dadka la shaqeeya, oo ay ka mid yihiin, militariga, booliska iyo dadka rayidka ah, si loo xaqiijiyo in shaqaalaha qaarkood aanay baxsan;
  • Si cad u sheeg in qofkii aargoosi ku sameeyaa dadka soo sheega tacaddiyada galmada, hadii ay ahaadaan dhibanayaasha, ama kuwa xogta bixiya ama dad kale, oo ay ka mid yihiin ururada u dooda xuquuqda haweenka Soomaalida ee adeegyada siiyaya dadka ka badbaaday tacaddiyada galmada in la ciqaabi doona oo weliba tallaabo sharci ah laga qaadi doono;
  • Wadamada ciidamada geeya Soomaaliya waa inay baaritaan ku sameeyaaan dadka ay geenayaan Soomaaliya si loo xaqiijiyo in dadka la soo dirayo aanay horay u galin dambiyo la xiriira tacaddi ka dhan ah xuquuqul insaanka caalamiga ah iyo sharciyada gargaarka, oo ay ka mid tahay tacaddiyada galmada waa in laga reebo dadka la geynayo; waana in AMISOM ay kala shaandeyso madaxda iyo maamulayaasha ciidamada oo ay ogaato inay ku lug leeyihiin tacaddiyada galmada, waxaa intaa dheer in wadamada ciidamada geeya Soomaliya ay sidookale sameeyaan kala shaandeynta;
  • Waa in si cad loo qeexaa tallaabooyinka lagu caawinayo dadka ka badbaaday ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, iyo carruurta ay dhaleen askarta AMISOM;
  • Waa in la xaqiijiyaa in askarta la siiyo tobabaro ku aadan ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada ka hor inta aan la geyn, marka ay tagaan iyo inta ay hawlgalka ku jiraan;
  • Waa in la badalo lifaaqyada qorshaha si loo cadeeyo qaababka wax loo baaro oo ay ka mid tahay sida dambi baarayaasha loo soo magacaabo iyo waqtiga lagu soo dhameenayo, waana in la dhisaa qaab xog aruurin ah si loo daba galo loona aruuriyo xogta ku saabsan noocyada ashatakooyinka, baaritaanada iyo heshiisyada;
  • Waa in la sameeyaa qaab qarsoodi ah oo loo soo gudbiyo ashtakooyinka, iyadaoo la kaashanyo QM, si dhammaan dadka, oo ay carruurta ka mid yihiin ay u ogaadaan sida iyo meesha ay u dacwoonayaan iyo sida ay caawinaad ku heli karaan. Qaabka ashtakooyinka loo gudbinayo waa inuu ahaado mid u fudud dhammaan shaqaalaha, dadka la shaqeeya iyo dadka ka faa’iideysanayo, iyadoo aan la eegeyn jinsiga, da’da, caafimaadka maskexeed, luuqada, heerka wax barasho, qabiilka iyo calaamado kale, ee u fududeenayso inay ashtakoodaan.

Ku Socoto Midowga Afrika ee Nabada iyo Golaha Ammaanka

  • Samee koox joogto ah oo madax bannaan oo baaritaanada sameeya, oo ay shaqaale ka yihiin dambi baarayaal madax bannaan oo aqoon leh, si ay u baaraan ashtakooyinka la xiriira dhaqan xumada, oo ay ka mid yihiin ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, kooxdaan waa inay wax u baartaa si wanaagsan iyadoo qadarinaysa mabaadii’da muhiimka ah oo ay ka mid yihiin, balse aan ku koobnayn: qarsoodiga, badqabka, dhexdhexaadnimada, wax qabadka, hawl wanaagga, waqti ilaalinta iya sugnaata iyo iyadoo weliba la ilaalinayo xuquuqda sharciyeed ee gaboodfalaha; kooxdu waa inay baartaa dambiyada ay galaan militariga, booliska iyo shaqaalaha rayidka ah;
  • Iyadoo la kaashanayo hawlgallada nabad ilaalinta, oo ay ka mid tahay AMISOM, ilaali oo caawi dhibanayaasha iyo markhaatiyada ay ciidamada Midowga Afrika wax yeeleeyeen. Dhammaan dadka ay arinta khuseyso oo ay ka mid yihiin dadka iyaga ashtakoonaya waxay leeyihiin xuquuq ah in si wanaagsan oo sharaf leh loola dhaqmo oo mar weliba la siiyo xog ku saabsan halka ay baaritaanada iyo maxkamadeyntu marayaan.

Ku Socoto Guddiga Midowga Afrika

  • Taageer dadaalada wadamada ciidamada geeya Soomaaliya si ay u geeyaan maxkamado militari gudaha Soomaaliya, iyadoo la raacayo go’aanadii Midowga Afrika uu la saxiixday wadamada si ay u caawiso baaritaanada ay sameeyaan guutooyinka qaran;
  • Xaqiiji in markii koox nabad ilaalin ah la geeyo hawlgalka inay helaan taageero qalabeed, mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale si ay hawshooda u gutaan;
  • Si durbo ah u qoondee sanduuq dhaqaale oo lagu caawiyo dadka ay ciidamada Midowga Afrika u geysteen tacaddiyada galmada iyo carruurta ay dhalaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika. Ganaaxyada lacageed ee lagu soo rogo askarta geysata gaboodfalada ayaa caawin karta in kharash loo helo sanduuqan dhaqaale;
  • Qor oo dadweynaha u shaaci warbixin sanadle ah oo ku saabsan baaritaanada lagu sameeyay dambiyada la xiriira ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyda galmada iyo tallaabooyinka muhiimka ah ee ay qaadeen hawlgallada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika, oo ay AMISOM ka midka tahay, iyo weliba Midowga Afrika gaar ahaan, si wax looga qabto tacaddiyadaas;
  • Wax ka badal qaabdhismeedka isku xirka la xiriira ka hortagga iyo ka jawaab celinta tacaddiyada galmada ee ka dhaca Afrika si loogu daro luqad gaar u ah ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyda galmada.

Ku Socoto Qeybta Hawlgallada Nabada ee Midowga Afrika

  • Wadamada ciidamada geeya Soomaaliya waa inay baaritaan ku sameeyaaan dadka ay geynayaan Soomaaliya si loo xaqiijiyo in dadka la soo dirayo aanay horay u galin dambiyo la xiriira tacaddi ka dhan ah xuquuqul insaanka caalamiga ah iyo sharciyada gargaarka, oo ay ka mid tahay tacaddiyada galmada waa in laga reebo dadka la geynayo; waana in hawlgallada nabad ilaalinta ay kala shaandeeyaan madaxda iyo maamulayaasha ciidamada oo ay ogaadaan inay ku lug leeyihiin ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada;
  • Dib u celi dhamman shaqaalaha militariga iyo booliska ah ee lagu ciqaabay ama lagu soo rogay anshax suubin ku aaddaan dambiyo ay galeen oo ah kuwo la xiriira ka faa’iidaysi iyo tacaddiyo galmo, waana in mar dambe aan loo dirin hawlgal nabad ilaalin ah;
  • Ka fogaada inaad ka ogolaataan guutooyin ciidamo ah wadamada aan dooneyn ama aan awooda u laheyn inay baaritaan ku sameeyaan oo ay maxkamadeeyaan askartooda lagu soo eedeeyo inay geystaan dabiyada ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada
  • La shaqeeya kooxda madaxa bannaan ee dambi baarista sameynayso ee kor ku xusan, marka ay xog uruurin hordhac ah ay ku sameynayso kiisaska la xiriira dhaqan xumo aad u weyn;
  • Xaqiiji in goobaha jinsiga ee ku dhexyaal guutooyinka si wanaagsan loo kala shaandheeyo oo loo tababaro sidii ay ula shaqeyn lahaayeen dadka ka bad baaday ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, oo ay ka mid yihiin carruurta;
  • Si durbo ah ugu samee AMISOM iyo hawlgalada kale ee nabad ilaalinta qeyb madax banaan oo joogta ah oo ka shaqeeysa habdhaqanka iyo anshaxa suuban, si ay u dhisaan khidado oo ay shaqaalaha AMISOM u siiyaan tababaro, oo ay ugu sii gudbiyaan ashtakooyinka soo gaara qeybaha dambi baarayaasha ugu habboon;
  • Samee xog keydin elektoroonig ah oo ay ku qoran tahay xogta ah ashatakooyinka laga soo gudbiyay askarta nabad ilaalinta Midowga Afrika, oogeysiisyada anshax suubinta ah, baaritaanada socda iyo maxkamadeynta ku saabsan ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, si looga hortago in meel kale la geeyo askarigaas oo xogtaa loo gudbiyo dhammaan hawlgallada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika;
  • Ka codso in dhammaan wadamada ciidamada ku biiriya hawlgallada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ay si wax ku’ool ah u badiyaan ka qeyb galka haweenka ee hawlaha militariga, booliska iyo shaqaalaha rayidka ah intaba;
  • Taageer dadaalada wadamada ciidamada geeya Soomaaliya ay ku bixiyaan inay sameeyaan tababaro loogu tala galay wadankaas oo ku saabsan ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada oo ay fahmi karaan guutooyinka qaran;
  • U samee dhammaan hawlgallada nabad ilaalinta qalabka lagu ogaado baaritaanka dhiiga wadadhalashada ee DNA-da loo yaqaan iyo tijaabooyin kale si loo xaqiijiyo hadii loo baahdo in askarta hawlgallada nabad ilaalinta ay nafaqeeyaan carruurta ay iyagu dhaleen inta ay hawlgalka ku jiraan.

Ku Socoto Deeqbixiyayaasha AMISOM, oo ay ka mid yihiin QM, EU-da, UK, iyo Mareykanka

  • Horumari qorshe ah “inaan loogu dulqaadanayn” ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, oo ay ka mid tahay in dhammaan dadka aan askarta qaran ahayn ay helaan taageero, taageerada noocaa ah waa in aanay keenin in la geysto ku tacaddi xuquuqul insaanka caalamiga ah iyo sharciga gargaarka;
  • Kor meer oo la soco in AMISOM ay ku dhaqanto oo ay fuliso xuquuqul insaanka caalamiga ah iyo sharciga gargaarka;
  • Hadii ay jiraan sababo la taaban karo oo lagu rumeysan karo in dad ka mid ah shaqaalaha hawlgalka nabad ilaalinta ay geysanayaan tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka caalamiga ah iyo sharciga gargaarka, oo ay ka mid yihiin ka faa’iidaysiga galmada iyo tacaddiyada galmada, oo dawladda mas’uulka ka ah ay wax ka qaban weydo, sare u qaad la socoshada dadweynaha oo ku boori AU-da iyo wadamada ciidamada geeya Soomaaliya inay sameeyaan baaritaano degdeg ah;
  • Hadii eedaha wax laga qaban waayo, waxaad isku daydaan in aad taageerada militari ka joojisaan hawlgallada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika oo ay AMISOM ka midka tahay, yaana wax taageero ah la siin guuto lagu eedeeyay tacaddiyo oo aan wax tallaabo anshax suubin ah qaadeyn;
  • Waa inaad AMISOM iyo wadamada ciidamada geeya Soomaaliya ka heshaan war bixin ku saabsan tallaabooyinka ay qaadeen si ay u hergaliyaan qorshaha AMISOM ee ku saabsan ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, iyo weliba xog ku saabsan baaritaanada lagu sameeyay ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada iyo natiijooyinkooda;
  • Siiya taageero dhaqaale oo lagu bixiyo tababarada ku saabsan ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada ee la bixiyo ka hor intaan ciidamada la geyn, kana caawiya in wadamada ciidamada geeya Soomaaliya ay geeyaan sharci yaqaano iyo lataliyayaal xaga jinsiga ah dhammaan guutooyinka qaran;
  • Taageer dadaalada ay AU-da ku dhisayso koox joogta ah oo ku hawl leh anshax suubinta hawlgallada nabad ilaalinta iyo AMISOM, ugu baaq in QM ay siiso taageero farsamo, sidii horayba loogu codsaday heshiiskii tiradiisu ahayd 2124 ee Golaha Ammaanka;
  • Taageer qeybta xuquuqul insaanka ee UNSOM si loo xaqiijiyo in la raacay qorshaha ku dadaalida in la wanaajiyo xuquuqul insaanka ee Xoghayaha Guud ee Qaramaday;
  • Ku boori dawladda Soomaaliya iyo AMISOM inay xaqiijiyaan dhibanayaasha iyo dadka xogta bixiya, ama kuwa taageerada siinaya iyaga, oo soo gudbiya kiis ah ka faa’iidaysi iyo tacaddi galmo in aanay la kulmin aargoosi; si cad u cambaareeya aargoosiyada noocaa ah;
  • Taageer AMISOM iyo QM sidii loo sameyn lahaa qaab qarsoodi ah, badqab leh oo ashtakooyinka lagu soo gudbin karo iyo sameynta tallaabooyin lagu doonayo inlagu ilaaliyo laguna taageero dadka ka badbaaday ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada loona xaqiijiyo in meelo kale loo sii gudbin karo;
  • Taageer ururada udooda xuquuqda haweenka ee maxalliga ah ee taageera dhibanayaasha ku wax yeeloobay tacaddiyada galmada, oo kobci awoodooda si ay u bixiyaan taageero caafimaad iyo mid maskaxeed, haweenka iyo gabdhaha u sheeg xuquuqdooda, diyaari olole lagu bixinayo xogta ku saabsan ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada ee ay dadku fahmi karaan, caawi dadka soo badbaaday oo ashtakooyinka keenay, kooxaha ka shaqeeya hawlahan sii taageero farsamo si lo yareeyo halista ay gali karaan;
  • Xaqiiji in heshiisyada soo socda ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu sii wadayo hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay ka mid ahaadaan qodobo ku saabsan ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, oo ay ka mid yihiin:

= In AMISOM laga codsado inay xaqiijiso inay ku dhaqanto oo ay fuliso qorshaha QM ee ah “u dulqaadasho la’aanta” ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada oo ay si buuxdo ugu wargaliso xoghayaha guud horumarka laga gaaray arinkan;

= In lagu booriyo wadamada ciidamada geeya Soomaaliya inay qaadaan tallaabooyin wax ku’ool ah oo ka hortag ah oo ay ka mid yihiin tababaro la bixiyo inta aan lageyn ka hor, iyo inay mas’uul ka yihiin dhaqan xumada noocaa ah oo ay shaqaalahooda ku kacaan.

Ku Socoto Dawladda Soomaaliya

  • Taageer qaab ay dakhli ku raadsadaan haweenka ku nool xeryaha waaweyn ee barakacayaasha, oo xaqiiji in qorshaha ay dawladda la damacsantahay barakacayaasha ku nool Muqdisho in aanu dhibaato u keenin haweenka iyo gabdhaha;
  • Taageer mashriicda lagu taageerayo haweenka ka badbaaday tacaddiyada ku salaysan jinsiga si ay dib ugu dhistaan noloshooda, iyadoo laga caawinayo inay helaan deegaan, shaqooyin, tababaro iyo inay wax ka dhigtaan dugsiyada;
  • Xaqiiji in dhibanayaasha iyo dadka xogta bixiya, ama kuwa taageerada siinaya iyaga, oo soo gudbiya kiis ah ka faa’iidaysi iyo tacaddi galmo in aanay la kulmin aargoosi;
  • Badal Qodobka 445 ee xeer ciqaabeedka Soomaaliya ee dambiga ka dhigaya “qof weliba oo sharmuutaysi sameeya” si loogu ogolaado haweenka sameeya galmada mucaamalada ah inay soo gudbiyaan tacaddiyada lagu sameeyo iyagoon sharciga ka baqeyn;
  • Tababar sii haweenka hogaamiyayaasha ka ah xeryaha barakacayaasha si ay wax uga qabtaan ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada ka dhaca bulshada dhexdeeda si loo horumariyo in dadka ugu soo gudbiyaan kiisaska tacaddiyada qolyaha u xil saran;
  • Xaqiiji in adeegyada caafimaad iyo kuwo bulshada ay siinayaan haweenka iyo gabdhaha ka soo kabanaya ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada taageero xagga jismiga ah, mid maskaxeed, mid bulsho, mid dhaqaale iyo mid caafimaad; abuur goobo qarsoodi ah oo dadka loo sii gudbiyo iyo rugo caafimaad oo laga dhiso goobaha aadka halista u ah, sida xeryaha fogfog ee barakacayaasha, taasi waxay wax u tareysaa inay haweenka helaan adeegyo marka ay jiraan xaaladaha degdega ah;
  • Iyadoo la kaashanayo Qaramada Midoobay, xaqiiji in dhammaan isbitaalada magaalada Muqdisho la geeyo daawooyin si loola tacaalo daryeelka la sameeyo kufsiga ka dib si waafaqsan heerka Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee (WHO), loona xaqiijiyo in dhammaan rugaha caafimaadku ay leeyihiin nidaamyo looga jawaab celin karo tacaddiyada galmada, oo ay ka mid tahay aalada la isticmaalo kufsiga ka dib ee loo yaqaano (PEP). Dhammaan adeegyadu waa inay lahaadaan shaqaale tobabaran si ay u bixiyaan adeegyo caafimaad iyo kuwo maskaxeed. Hadii aanay adeegyo jirin, goobaha caafimaadku waa inay leeyihiin nidaamyo sii gudbin ah oo wanaagsan si loo xaqiijiyo in dadka badbaaday ay helaan daryeel qarsoodi ah.

Ku Socoto Kooxda Dalka ee Qaramada Midoobay (UNCT) iyo Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM)

  • Xaqiiji goobaha QM ee ah ilaalinta ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada in la xoojiyo oo ay awood u yeelato inay bixiso qaab hufan, oo la gaari karo oo qarsoodi ah oo ashtakooyinka lagu gudbin karo oo ay helaan dadka ka badbaaday ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada ay u geysteen shaqaalaha AMISOM.

Ku Socoto Qeybta Xuquuqul Insaanka ee UNSOM

  • Ku dar baaritaanada iyo kormeerka ku tacaddiga xuquuqul insaanka ay sameeyaan shaqaalaha AMISOM dhammaan warbixinada xaalada xuquuqul insaanka ee Soomaaliya;
  • Xaqiiji in si dhab ah loo raacay qorshaha ku dadaalida in la wanaajiyo xuquuqul insaanka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ay ka mid tahay in la sameeyo qaabab lagula tacaalayo ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada iyadoo la raacayo talooyinka kor ku xusan, xaqiiji inay AMISOM si dhab ah u raacdo oo dabagal in qaababkaas la fuliyay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!