Xoghayihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Hargeysa Lagu xiray — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xoghayihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Hargeysa Lagu xiray

Wararka naga soo gaaraayo Magaalada Hargeysa ee Caasimada maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi xalay lagu xiray Xoghayihii gaarka ahaa ee Xafiiska Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Cabdiqani Yaasiin Maxamed oo ahaa xoghayihii gaarka ee Ra’isul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxaa la sheegay in gudaha Magaalada Hargeysa ay ku dhex qabteen Ciidamada amniga maamulkaasi ,isla markaana xabsi dhigay.

Sidoo kale Xoghayaha ayaa waxa uu dhawaan ka tagay Magaalada Muqdisho,isagoona u gaaray Hargeysa si uu u soo booqdo qoyskiisa oo kunool halkaasi, uuna ula qaato farxada ciidul adxaa.

Dhinaca ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Somaliland oo ku aadan xariga Hargeysa loogu geystay Cabdiqani Yaasiin Maxamed oo ahaa xoghayihii gaarka ee Ra’isul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed .

Maamulka Somaliland ayaa waxa horey deegaanadiisa uga mamnuucday Siyaasiyiinta kamid noqda dowlada Federaalka iyo dadka kale ee dowlada u shaqeeya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!