Xoghayihii Hore Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Xilkii Wareejiyay Maanta + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xoghayihii Hore Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Xilkii Wareejiyay Maanta + Sawirro

Munaasabad Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa xilkii kula wareegay Xoghayaha Joogtada  KMG ah ee Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Arimaha Gudaha,waxaana xilkaas maanta lagu wareejiyay Cabdullaahi Maxamuud Xassan Azhari.

Xoghayahii hore ee Wasaarada Arimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim oo Maanta xilka Wareejiyay ayaa waxaa 22/7/2017 Shaqa joojin ku sameeyay Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa,in kastoo ay ka soo horjeesteen Wasiir ku xigeenka iyo Wasiiru dowlaha.

Yaxye Cali Ibraahim ayaa Munaasabada ka sheegay in uu xilka wareejiyay islamarkaana uu la Shaqeyn doono,Cabdullaahi Maxamuud Xassan Azhari oo Maanta xilka uu ku wareejiyay.

Cabdullaahi Maxamuud Xassan Azhari Xogheyaha Joogtada Wasaarada Arimaha gudaha Soomaaliya ayaa isna sheegay in uu sihuufan u Shaqeyn doono.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!