Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cismaan oo ku geeriyooday Qarax * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cismaan oo ku geeriyooday Qarax

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo duhurnimadii maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4, halkaasoo gaari uu saarnaa .

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen ilaa lix ruux oo ay ku jiraan Ilaalada Xoghayihii hore Gobolka Banaadir C/kaafi iyo arday wadada mareysay, iyadoo wararka qaar ayaa sheegayaan in qaraxa inuu ku xirnaa gaariga uu la socday oo ahaa nuuca ay Soomaalida u taqaan Qooqan.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida ayaa goobta xiray, waxaana wadada aheyd markii qaraxa dhacay mid mashquul ah, oo gawaari kala duwan ay marayeen.

C/kaafi Hilowle Cismaan ayaa ka tirsanaa saraakiisha Ciidamada Booliska, iyadoo maalmihii dhowaa lagu arkayay magaalada, isagoo labisnaa dareyska ciidamada booliska iyo darajada Col, kadib markii xilkii Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir laga qaaday.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!