Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo maanta booqanaya Xeryaha Dhadhaab

Read Time:33 Second

Mareeg.com: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa maanta booqanaya xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, kuwaasoo ay ku noolyihiin kumanaan qaxtooti Soomaaliyeed.

Ban Ki Moon ayaa u kuurgelaya xaaladda nololeed iyo amaan ee xeryahaas oo dowladda Kenya ku hamisay iney xrito, iyadoo qaar ka mid ah qaxootiga ku eedeysay iney qeyb ka yihiin amaan xumada ka dhacda Kenya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu kala hadlo dowladda Kenya xaaladaha qaxootiga iyo sidii ay usii joogi lahaayeen deegaanadooda.

Booqashada Ban Ki Moon ayaa kusoo beegmeysa xilli waxyaabaha asaaska ah nolosha ay gabaabsi ku yihiin xeryaha Dhadhaab oo ay ku nooloyihiin ilaa Nus Malyuun qof.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.