Xoghayaha Arrimaha degabdda Mareykanka, John Kerry oo gaaray Kenya

Read Time:47 Second

Mareeg.com: Xoghayaha Arrimaha degabdda Mareykanka, John Kerry ayaa maanta gaaray caasimadda Kenya ee Nairobi, iyadoo amaanka aad loo adkeeyey.

Wafdiga John Kerrry ayaa 3pm ka degay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi.

Xoghayaha, ayaa waxaa maanta Magaalada Nairobi kaga bilowday booqasho muddo saddex cisho qaadan doonto, oo uu ku jooggi doono ilaa maalinta Talaadada.

Xoghayaha, ayaa waxa uu magaalada Nairobi uu kulamo kala duwan uu kula qaadan doonnaa Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, hogaamiyaha mucaaridka, Raila Odinga iyo ururada bulshada  Kenya.

John Kerry, ayaa madaxda Kenya kala hadli doonna xiriirka ganacsi ee u dhaxeeya Kenya iyo Mareykanka, iyoi xaaladda amni ee dalkaasi, iyadoo Kenya ku jirto dagaal ka dhan ah Alshabaab.

John Kerry ayaa marka oo uu dhameysto booqashada maanta uga bilaabatay Kenya oo qaadan doonta 3 maalmood wuxuu tegi doonaa Jamhuuriyadda Jabuuti.

Booqashada Kerry ayaa imaaneysa xilli la filayo in madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama oo booqasho ku taga Kenya bisha July ee 2015.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.