Xoghayaha Arrimaha Debadda Mareykanka Oo Gaary Masar Iyo Muxamed Mursi Oo Berri Maxkamad Lasoo Taagayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xoghayaha Arrimaha Debadda Mareykanka Oo Gaary Masar Iyo Muxamed Mursi Oo Berri Maxkamad Lasoo Taagayo

Qaahira – (Mareeg.com): Xoghayaha Arrimaha Dibada ee dalka Maraykanka John Kerry ayaa maanta gaaray magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar. John Kerry ayaa wada-hadallo la yeelanaya hogaamiyayaasha dowlada militarigu dhistay ee dalka Masar.

Wuxuu John Kerry ayaa maanta la kulmaya madaxweynaha kumeelgaarka ah ee Masar Cadli Mansuur iyo hogaamiyaha Militariga C/fataax Al-siisi, iyagoo ka wada hadlaya xaalada siyaasada iyo waliba xiriirka ka dhaxeeya Maraykanka iyo Masar.

John Kerry oo booqday dalkaas tan markii la riday madaxweynihii shacabku doortay ee Muxamed Mursi ayaa ku baaqay in la joojiyo dhamaan qalalaasaha ka socda dalkaas, islamarkaana dalka loo jiheeyo nidamka dimuquraadiga ah oo dowladda jirta lagu badelo dowlad lasoo doortay oo rayid ah.

Maraykanka ayaa kolhore ku dhawaqaay inuu hakiyey deeqdii uu jiray milateriga Masar, taasoo ku kaceysay malaayiin dollar sanad kasta, waxeyna Mareykanku arrintaas sabab uga dhigeen afgembigii iyo xiisadihii ka dhacay dagaalkaas eee dadka badan ku dhinteen.

Ciidamada Masar ayaa la sheegay iney u muuqdaan kuwo ka kaaftoomay taageeradii Mareykanku ka joojiyey, iyagoo taa badelkeeda taagero tii Mareykanka ka badan ka helay dalalka Imaaraadka Carabta Iyo Sacuudiga oo aad u naceb ururka Al-akhwaanul Muslimiin.

Masar ay heshay deeq baaxad leh oo ay militariga Masar ugu deeqeen dowladaha Sucuudiga iyo Emaaraadka oo ugu deeqay dhaqaale gaaraya $8 Bilyan oo dollar, halka Maraykanka uu horey usiin jiray $1.5 Bilyan dalkaasi Masar. Lacagtaas ayaa la sheegay in labadaan dal abaalmarin u siiyeen ciidamada Masar si ay xukunka uga ilaaliyaan Al-akhwanul Muslimiin.

Booqashada John Kerry ayaa kusoo beegantay xilli maalinimada beri ah ee 4-ta bisha November 2013 lagu wado in markii ugu horeysay maxkamada lasoo taago Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Maxamed Morsi, kana soo jeeday xarakada Al-akhwanul Muslimiin.

John Kerry ayaa ku baaqay in dhamaan maxkamadeynta ka socda dalka Masar laga dhigo kuwo cadaalad ah, islamarkaana dadka yaridka ah ee eedeysan la horgeeyo maxkamado rayid ah oo aan milateri aheyn.

Maraykanku wuxuu horay ugu baaqday inaan wax maxkamad ah lasoo saarin Madaxweynihii ay shacabka doorteen ee Maxamed Morsi, balse milaterigu xilka si awood uga qaadeen.

Dalka Masar ayaa laga cabsi qabaa iney berri ka dhacaan rabshado looga soo horjeedo maxkamadeynta madaxweynihii hore Dr. Muxamed Mursi, waxaana milaterigu soo saaray digiin ay u jeediyyey cid kasta oo sameysa dhaqdhaqaaq ka dhan ah maxkameynta Mursi.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!