Xoghayaha Arrimaha Debadda Mareykanka, John Kerry oo ka degay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xoghayaha Arrimaha Debadda Mareykanka, John Kerry oo ka degay Muqdisho

Mareeg.com: Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo ah 5 May, 2015 ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Booqashada John Kerry ee Muqdisho ayaa noqoneysa mid taariikhi ah oo mas’uul sare oo nuucaan ah oo Mareykan ah ku yimaado Soomaaliya muddo ku dhow 25 sano ah.

Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Ergayaga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nickholas Kay, qaar ka mid ah madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedayada qaar oo ku sugan Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Mr Kerry iyo Madaxda Qaranka ayaa waxa ay ka  wada hadlayaan horumarka ay dowladda ku tallaabsatay iyo kaalinta uu Mareykanka geysan karo sidiii dowladda looga caawin lahaa la dagaallanka argagixisada. 

Afhayeenka madaxtooyada Daa’uud Aweys ayaa sheegay in madaxda maamul-goboleedyada ay ka qeyb galayaan kulamada u dhaxeeya John Kerry iyo masuuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Wuxuu John Kerry horay u booqday dalka Kenya, oo uu joogay labadii maalmood ee la soo dhaafay, waxaana la filayaa inuu u sii gudbo dalka Jabuuti.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!