XOG: Xildhibaanada taageersan madaxweyne Xasan oo saxiixay mooshin ka dhan ah R/wasaare Cabdiweli

Read Time:59 Second

Mareeg.com: Warar goor dhow soo baxay ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay mooshin ka dhan ah R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed u gudbiyeen gudoonka baarlamanka.

Si rasmi ah weli looma helin tirda xildhibaanada saxiixay mooshinkaas la doonayo in kalsoonida loogala noqdo xukuumadda R/wasaare Cabdiweli, hase ahaatee wararka qaara ayaa sheegaya iney tirada xidlhibaanadaas gaareyso ilaa boqol.

Markii uu si rasmi ah usoo shaac baxay khilaafka madaxweyne Xasan iyo R/wasaare Cabdweli ayaa xildhibaanada baarlamaanku la kala safteen labadan nin.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo maanta u ambabaxay Itoobiya ayaa waxaa madaxii sii sagootiyey ka mid ahaa R/wasaare Cabdi Weli oo ay si wanaagsan isu salaameen, inkasoo loo arkay mid aan niyadda jirin.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan danjire Nicholas Kay ayaa horay u sheegay inuu ka walaacsan yahay mooshin ka dhan ah R/wasaare Cabdiweli oo la diyaarinayo, isagoo xusay in xildhibaanada qaar codkooda lacaga loo badelanayo si ay u ridaan R/wasaraha.

Khilaafka madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayaa si cad u qarxay kadib markii R/wasaare Cabdi Weli uu sameeyey isku shaandheyn Golaha Wasiirada ah, taasoo uu si cad u diiday madaxweyne Xasan.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %