XOG:- Xildhibaan Tahriibay iyo Sabab yaab leh oo ku Kaliftay…..

Read Time:52 Second

Jowhar ( Mareeg News ) Waa wax aan laga filaneeyn in uu tahriibo xildhibaan balse arintan tahriibka Xildhibaan Mohamed Cabdalla Cali Deeqow Carab ayaa imaaneeysa kadib markii maamulka hirshabeele uuna bixin mushaarka xildhibaanada mudo Sedax bil ah.

xildhibaan mohamed cabdla cali waxuu kamid yahy xildhibaanada dhallinyarada ah ee   Barlamaanka Maamulka Hirshabelle, waxuu ahaa daafaca Kooxda K/cagta ee Hirshabelle iyo kabtanka kooxda Tartankii maamul goboledyada.

Xildhibaanka Waxuu metelaa Beesha Garab soomaali, Oo dagta gobolka shabeelada dhexe,  mr Deeqoow carab ayaa hada ku sugan magaalada neyropi ee dalka kenya oo u tagyay arima caafmaad darteed.

xildhibaanka ayaa sida ay xaqiijiyeen saaxiibo u dhaw waxeey Mareeg u sheegeen inuu ku sii jeedo  Wadanka Talyaaniga.

Fasaxa uu ku baxay ayeey maamulka hirshabeele ku sheegeen inuu yahay mid caafmaad balse arintan soo ifbaxeeyso ayaa ah in xildhibaanka tahriib u yahay dalka taliyaaniga oo uu safarkiisa diyaarsaday.

Maamulka hirshabeele weli kama hadlin arintan lamana oga talaabada uu qaadi doono gudoonka baarlamaanka hirshabeele.

shabakada Mareeg.com oo xiriir la sameeysay xildhibaanka si ay u xaqiijiso arinkan ma suuroobin inaan taleefanka ku helno.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %