XOG xasaasi:-Lcag lagu qabtey Garoonka Muqdisho oo khilaaf dhelisey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

XOG xasaasi:-Lcag lagu qabtey Garoonka Muqdisho oo khilaaf dhelisey

Ciidamada amaanka garoonka Diyaaradaha Adan Cade ayaa lasheegey in ay gacanta ku dhigeen Boorso ku jirtey lacag badan oo lagu qiyaasey boqolaal kun oo dollarka mareykanka ah.

Teliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegey in diyaarada lacagtaan sidey ay ka timid dalka kenya isla markaani ay baaris dheeraad ah wadaan.
ilo wareedyada qaar ayaa tibaaxaya in lacagtaan loo wadey Teliyihii hore ee gobolka Banaadir Sadan Joon.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in   lacagta ay isku khilaafeen Madaxda Sare ee Dowlada  cida lawareegeysa masuuliyada lacagtaas.

Teliska NISA ayaa lasheegey in ay ku kala qeybsameen kadib markii uu soo jeediyey Teliyaha Hay’ada Fahad Yaasiin in lagu soo wareejiyo lacagta iyadoo xogtu sheegayso in uu ku gacan seerey Teliyaha Dabagalka Cabdullahi Dheere.

Teliyaha Dabagalka ayaa lasheegey in uu qoonsadey habka loo maamuley lacag 9-malyan ah oo horey ula wareegtey hay’ada Nabad sugidda taas markii danbe si qaldan loo isticmaaley.

Muranka oo gaarey madaxweynaha DF ayaa lasheegey in madaxweynahu uu ku raacey mowqifka Teliyaha Dabagalka, ayadoo lasheegey in Fahad Yasiin iyo Kulane Jiisna isku aragti ka noqodeen sida laga yeelayo lacagtaas.

lacagta ayaa weli taalla saldhiga Booliska Garoonka Diyaaradaha waxaana warku sheegaya in lacagta lafasixi doono Goor dhow ayadoo warkana loo dhigi doono in lacagtu ay lahaayeen ganacsato soomaaliyeed

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.