
Dhismayaashii ay ku shaqeynayeen Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo amniga xukummada Federaalka Soomaaliya ayaa weli waxaa ka muuqda bur bur xoogan kaas oo sababay weerar ismiidaamin ahaa oo ay Al Shabaab ku qaadeen 7-dii bishii july ee sanadkan.
Dhismayaasha ay dagan yihiin labada Wasaarad ayaa ku bur buray Qarax Ismiidaamin ah oo xigay weerar toos ah oo dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen 7-dii bishii july ee sanadkan, mana jirto ilaa hada wax dib u dhis iyo dayactir muuqda oo lagu sameeyay xarumahaasi.
Shaqaalaha Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo amniga xukummada Federaalka Soomaaliya ayaa la fasaxay intooda badan, iyadoo aan weli la ogeyn xiliga ay shaqada kusoo laaban doonaan, waxaana labada Wasaaradood xafiisyada muhiimka ah ee shaqada aan looga maarmin kusii shaqeeyaan xarumo kale oo dowladu leedahay.
Shabakada Mareeg.com sida xogat ay ku heleyso xafiisyada shaqada ka socoto ee Wasaarada Amniga Gudaha ayaa hada la geeyay xarunta Booliiska Soomaaliya, halka Wasiirka Amniga horeyba inta badan ugu dhax shaqeyn jiray xafiis ugu yaala gurigiisa.